Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo soo xiray dib u eegista siyaasadda Badqabka Goobta Shaqada iyo Caafimaadka .

Muqdisho , October, 2, 2022- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Biixi Iimaan Cige ayaa maanta la kulmay Mudane Alexio Musindo , Agaasimaha xafiiska ILO ee waddamada Soomaaliya , Itoobiya , Jabuuti iyo Koonfurta Suudaan.

Kulanka ayaa looga hadlay qorshaha sannadeedka Hay’adda ee Soomaaliya , halkaa oo warbixin la xiriirta ay ku soo bandhigeen ILO, iyadoo sidoo kale laga hadlay xoojinta iskaashiga, taageerrada dadaallada Wasaaradda ee la xiriira horumarinta Shaqada , shuruucda iyo badqabka Shaqada iyo shaqaalaha.

“ Hay’adan ILO , waxay muhiimad u leedahay dadaalladeenna horumarinta leh ee Shaqada iyo Shaqaalaha .” ayuu yiri Wasiir Biixi.

Agaasimaha Hay’adda Shaqada Adduunka ILO ee waddamada Geeska Afrika , Alexio Musindo oo boggaadiyay sida ay uga go’antahay hoggaanka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada horumarinta wada-shaqeynta labada dhinac , ayaa sidoo kale sheegay inay ka go’antahay dhammeystirka iyo fulinta qorshayaasha shaqo ee wasaaradda.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog u ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali.

—Dhammaad—