Wasiirada Wasaaradaha Adeegyada Bulshada oo ka qeyb galay kulan wadatashi ah oo ku saabsan  Siyaasadda Ilaalinta Bulshada.

Kulankan oo ahaa shir wadatashi ah oo ku aadan siyaasadda ilaalinta bulshada  ayey  ka qayb galeen wasiirro ka tirsan Xukuumadda FS oo ay  soo qabanqaabisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  oo kaashaneysa Wasaaradaha Gargaarka & Maareynta  Masiibooyinka iyo Wasaaradda Qorsheynta, ayaa lagu qabtay  Caasimadda  Soomaaliya ee Muqdisho.

 

 

Madasha kulankan ayaa waxaa kasoo qeybgalay dhammaan Wasaaradaha u  Adeega Bulshada oo ay quseysay siyaasaddan oo ay kamid ahaayeen; Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada    Saalax Axmed Jaamac  oo shir gudoominayay Kulanka, Wasiirka  Howlaha guud dib u dhiska iyo guryeenta C/fitaax Ibraahim Geesey,  Wasiirka Beeraha iyo  Waraabka ,  Wasiir ku xigeenka  Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada,  Wasiir ku xigeenka   waxbarashada iyo tacliinta sare, Wasiir ku xigeenka  Dhalinyarada iyo isboortiga, Agaasimaha Guud wasaaradda  Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda iyo Agaasimaha Guud  wasaaradda  Macdanta iyo Batroolka iyo  wakiilo ka socday , Hey’adda Samuel Hall iyo Hey’adaha Unicef & WFP oo garab ka siinaayay DFS fulinta barnaamijkan.

 

Maadaama ujeedka kulamadan ay ahayeen in lasoo uruuriyo aaraa’da iyo Talooyinka  Wasiirada Wasaaradaha Adeegyada Bulshada DFS  ee ah sidii loo hergelin lahaa Qorista Siyaasadda Ilaalinta Bulshada ayaa fikirka guud ahaan ay ka dhiibteen  wasiirada iyo  Agaasimeyaasha Ka soo qeyb galay fulinta siyaasadda  Ilaalinta Bulshadana in  wasaaradaha  u sameyaan quburo ka soo fakara qaabka loo qorayo   Siyaasadan lagu ilaalinayo  dhammaan bulshada  qeybaheeda Nugul.

 

ugu horeen waxaa sharaxaad ka bixisay heerarka uu soo maray talo wadaagan  Marwo Fardowsa Axmed  Cabdullaahi oo ah Lataliye, ahna Madaxa Siyaasadda Ilaalinta Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyadoo kaga mahadcelisay dhammaan intii kasoo qeybgashay kulankan.

 

Agaasimaha  Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Maxamed Cadde  Muqtaar  ayaa ku soo dhaweeyay  mas’uuliyiinta kulanka waxuuna ugu baaqay in Siyaasadan ay ka mid tahay waxyaabaha  anfacaya  dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

 

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada    Saalax Axmed Jaamac  oo ka hadlay qodobo dhowr ah iyo waxa laga doonayo wasaaradahan ayaa sheegay “  Siyaasadda lagu daryeelayo dadka nugul waxaa la rabaa in qof walba in uu helaa  daryeel caafimaad,  caruurta Agoonta ah oo Hooyada  saboolka ah la daalaa dhaceyso in la daryeelo, waxaana muhiim ah in Beeraleyda iyo Xoolaleyda Adeega daryeelka iyo gurmadka dowladda  halkooda loogu geeyaa maxaa yeelay waxey caadeysanayaan in ay ka soo tagaan Miyiga oo ay Magaalada soo galaan siyaasadan kama marna wax soo saarka  dalka” sidaana waxaa yiri wasiir Saalax.

 

Wasiiradda iyo Agaasimayaasha ka hadlay madasha ayaa soo bandhiga Aragtidooda ku aadan daryeelka Bulshada waxeyna balan qaadeen in ay kaalin ka geysan doonaan qoraalka Siyaasadda Ilaalinta Bulshada  Soomaaliyeed.

 

Kulanka wada tashiga ayaa hore lala yeeshay ururada Bulshada, hey’adaha gaarka loo leeyahay, dowladda Goboleedyada Dalka iyo hey’adaha Caalamiga ah ee taageera dowladda Soomaaliyeed.