Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada oo shir gudoomiyay Shirka todobaadlaha ee wasaaradda.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada oo shir gudoomiyay Shirka todobaadlaha ee wasaaradda.

Shirka todobaadlaha ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo shir guddoominayey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xil. Cabdicasiis saalax Carmaan ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha:
• wareejinta Daqliga ay Qabato Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada
• Wassaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo xubin ka noqotay Guddiga Maalgashiga
• kor u qaadista Arrimaha Bulshadda iyo Tabbabaradooda (Social work Training)
Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Mudane, Maxamed Cadde Muqtaar ayaa si faah faahsan ayaa wuxuu kaga warbixiyay habsami u socodka dhamaan Howlaha wasaaradda, isagoona kaga mahadceliyay Dhamaan agaasimayaasha waaxyada sida hufan oo ay u gutaan shaqooyinkii loo idmaday taas oo xoojineysa adeega ay u hayaan Shacabka soomaaliyeed.

Agaasimayaasha waaxyada oo iyagana ka hadlay shirka ayaa waxay sheegeen in ay heegan u yihiin howlihii loo idmaday ayna ka soo dhalaaleen howlaha wasaaradda sida, tirakoobka shaqaalaha, Jiheynta shaqaalaha iyo Madax Qeebeydyada Wasaaradda, iyo kula xisaabtanka waajibaadkooda shaqo.

Ugu dambayntii Agaasimaha Waaxda Xiriirka Guud iyo isgaarsiinta ayaa laga dhegaystay warbxin ku saabsan daabacaada iyo Gudbinta Hindise sharciyeedka wax ka badalka sharciaga Lam, 11 ee shaqaalaha Rayidka, wuxuuna sheegay in ay dhamestireen daabacaada buuga loona gudbiyay Golaha Shacabka. Intaas ka dibna wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Xil. Cabdicasiis Saalax Carmaan ayaa uga mahad celiyay Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda, wuxuuna kula dardaarmay in ay sii dar dar geliyaan howlahooda shaqo, maadaama lagu guda jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan.