Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada oo shir wacyigelin ah u qabtay shaqaalaha Wasaaradda

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlaayay dib u habeynta lagu sameeyay sharciga shaqaalaha L.11 iyo tirakoobka shaqaalaha lagu sameynaayo iyo sidii ay heegan ugu gali lahaayeen.

Xoghayaha joogtada Wasaaradda shaqada ayaa yiri “shirkaan wuxuu muhiim u yahay shaqaalaha si ay ugu diyaar garoobaan tirakoobka lagu sameynaayo ayna wax badan uga ogaadaan qaabka loo sameynaayo tirakoobka”

Sidoo kale waxaa ka hadlay shirkaan lataliyayaasha Wasaaradda Yuusuf Salaad Warsame iyo Cumar Qaloombi ayagoo sharraxaad dheer ka bixiyay sharciga shaqaalaha raiydka dawladda L.11 kaasoo dib u habeyn lagu sameeyay haatanna horyaala baarlamaanka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada oo shirkaan soo xiray ayaa yiri “qodobbada shirka looga hdlaayay ee tirakoobka shaqaalaha nagu soo socdo waxaan rajeynaayaa in ay noogu dhamaatay sidii la rabay shaqaalahana waxaan ku bogaadinaayaa in ay soo buuxiyaan waxyaabaha laga doonaayo”.

shirka shaqaalaha 0 shirka shaqaalaha 1 shirka shaqaalaha 2 shirka shaqaalaha 3 shirka shaqaalaha 4 shirka shaqaalaha 5 shirka shaqaalaha 6 shirka shaqaalaha 7 shirka shaqaalaha 8 shirka shaqaalaha 9