Wasiir ku xigeen Swaqar oo ka qeyb galay kulanka  Siyaasadda Tababarada Qaranka ee shaqaalaha JFS.

Wasiir ku xigeen Swaqar oo ka qeyb galay kulanka  Siyaasadda Tababarada Qaranka ee shaqaalaha JFS.

Mas’uuliyiin oo uu Hogaaminayey Wasiir ku xigeenka  Wasaaradda   shaqada  iyo Arrimaha  Bulshada  Xildhibaan  Swaqar Ibraahim Cabdalla oo ay wehlinayeen Xoghayaha Joogtada  Wasaaraada Shaqada Xasan Shariif Cusman, Agaasimaha Waaxda  Tababarrada  Ismaaciil Macalin Cabdullaahi iyo  Lataliyeyaasha Wasaaradda  Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Prof. Yuusuf Salaad Warsame iyo Dr. Daahir Xasan  Guutaale  ayaa kulan balaaran la yeeshay Drs. Nerly oo ah gabadha wakiilka uga ah UNDP in ay Wasaaradda kala shaqeyso siyaasadda tababarrada qaranka (National Training Policy).

 

 

Kulankan oo lagu qabtay Xalane xarunta UNSOS ee magaalada Muqdisho waxaa si qoto dheer looga hadlayay Siyaasadda Tababarada Qaranka, waxey soo socotay waqti hore waxaana la soo gaarsiiyay in la sameeyo qabyo qoraalkii ugu horeeyay (Drafting) .

 

 

Drs. Nearly oo ah gabadha wakiilka uga ah UNDP in ay Wasaaradda kala shaqeyso dhammeystirka howshaan ayaa Faahfaahim (presentation) u soo jeedisay mas’uuliyiintii ka soo qeybgalay si loo turxaan bixiyo isla markaana hore loogu socdo. Shirka waxaa ka soo qeyb galay heyadaha dowladda qaar kamid ah si looga wada qeyb qaataato diyaarinta  Siyaasadda Tababarada Qaranka (NTP).

 

 

Wasiir ku xigeen Swaqar oo shir gudoominayay soona xiray kulanka  Siyaasadda Tababarada Qaranka ee shaqaalaha JFS waxuu aad uga hadlay faa’iidada kulankaan iyo in la dar dar geliyo sidii loo dhammeystiri lahaa ( N.T. policy).

 

Kulankani waxaa soo qaban qaabiyay Agaasimaha tababarrada Wasaaradda Shaqada mudane, Ismaciil Macallim Cabdullahi  oo xilka iyo masuuliyadda dhammeystirka howshaan u soo dhabar adeygay loogana fadhiyo dhammeystirka Siyaasadda Tababarada Qaranka NTP oo dhammeystiran.