Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo soo gabagabeysay wajigii koowaad ee tira koobka Shaqaalaha Rayidka ee Hey’adaha Dowladda

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo soo gabagabeysay wajigii koowaad ee tira koobka Shaqaalaha Rayidka ee Heyadaha Dowladda

        Agaasimaha Guud Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo wareysi gaar ah siiyay barta website-ka wasaaradda shaqada ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay tira koobka lagu sameeyay Shaqaalaha Rayidka ee Hey’adaha Dawladda maadaama aheyd markii ugu horeysay ee lagu sameeyo Madax ka tirin shaqaalaha dowladda wixii ka dambeyay bur burkii dalka, isla markaana wajiga labaad ee qiimeynta oo dhameystiran dhowaan la bilaabi doono.

“tira koobka   waa markii u horeysay ee Shaqaalaha Rayidka ee Hey’adaha Dawladda lagu sameeyo, waxaa la sameeyay xog uruurin ku saabsan shaqaalaha tiradiisa, tayadiisa, Aqoontiisa , tababarada ay heystaan iyo xilalkooda”ayuu yiri Agaasime Maxamed Cadde Mukhtaar.

Agaasimaha Guud ayaa sheegay in Hay’adaha hada madax ka tirinta lagu sameeyay ay gaarayaan 49 Hay’addood, isla markaana qeybta labaad ee daraasadan lagu ogaan doono tirada rasmiga ah ee Shaqaalaha Rayidka.

Sidoo kale waxaa uu xusay in wajiga labaad ee dhawaan bilaamaya lagu ogaan doono hanankii lagu kala saari lahaa shaqaalaha   howl gabka ah, kuwa xanuunsan iyo kuwa u baahan in la tayeeyo dhanka aqoontooda IWM.

halku dhigga Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa ahaa “shaqaale tiro kooban oo tayo leh”.

molsa guddiga 1 molsa guddiga 2 molsa guddiga 3 molsa guddiga 4 molsa guddiga 5 molsa guddiga 6 molsa guddiga 7 molsa guddiga 8 molsa guddiga 9 molsa guddiga 10 molsa guddiga 11 molsa guddiga 12 molsa guddiga 13 molsa guddiga 14 molsa guddiga 15

tiro koob W shaqada 1 tiro koob W shaqada 2 tiro koob W shaqada 3 tiro koob W shaqada 4 tiro koob W shaqada 5 tiro koob W shaqada 6 tiro koob W shaqada 7 tiro koob W shaqada 8 tiro koob W shaqada 11 tiro koob W shaqada 12