Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Howshii Tira koobka si Habsami ah u wado

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Howshii Tira koobka si Habsami ah u wado

 Mogadishu 08-05-2018, Iyadoo ay si habsami ah u socoto shaqadii tirakoobkii shaqaalaha rayidka ee XukuumadaFederaalka Soomaaliya, ayaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda shaqada iyo Arimaha Bulshada oo hogaaminaayo shaqada tira koobka, Mudane Maxamed Cadde Mukhtaar ayaa sheegay in Howshii ay Wasaaradda waday ay meel fiican marayso isagoo sheegay in   natiijada ay wax badan ka badali-doonta xaaladda dhabta ah ee shaqaalaha, wuxuuna sheegay in arrintani ka wasaarad ahaan ay ahmiyad weyn u leedahay in la helo shaqaale la og yahay oo tayo badan leh.

Agaasime Cadde waxa kaloo sheegay in maanta ay la joogaan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada wuxuuna sheegay in Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cali Ga’al Gaaboow uu si habsami iyo niyad furnaan u soo dhaweeyay isaga iyo kooxda la socoto ee shaqada tirakoobka wado, shaqaalaha wasaaraddana ay si wanaagsan tira koobka u mareen wuxuuna bogaadiyay Wasaaradda Gaadiidka sida ay ugu diyaargarowday Howsha tirakoobka, sidoo kale wuxuu sheegay agaasime Cadde in Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka badda agaasimaheeda guud Mudane Dhagaxtuur iyagana si habsami iyo wanaag ayey shaqaalahooda u mareen tira koobka.

Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada ayaa juhdi fara badan galisay sidii ay u hormarin lahayd shaqaalaha rayidka iyadoo mar walbo u taagan in la helo shaqaale taye leh oo u shaqeeya dalkooda. Barnaamijkaaan lagu tira koobayo  shaqaalaha dowladda federaalka ayaa ah mid ku kooban shaqaalaha u shaqeeya dowladda federaalka ee ka howlgala magaaladda Muqdisho ee caasimadda dalka iyadoo la tira koobay qaar ka mid ah Maamul goboleedyada dalka shaqaalahooda rayidka.

Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac, ayaa bogaadiyay shaqada ay wasaaradiisu wado wuxuuna kormeeraa mar walbo goobaha ay ka socoto howsha tirakoobka si uu dhiiri galiyo guddiga uu u xilsaaray howlaha tirakoobka, wuxuuna cadeeyay in la tayeyn doono shaqaalaha rayidka ah, isaga oo sheegay in dib loo howl geli doono mac’hadkii Maamulka iyo Maaraynta ee Soomaaliya lahaan jirtay ee (SIDAM), si looga maarmo buu yiri tababaradii dibadda loogu qaadi jiray shaqaalaha dowlada, iyadoo heshiis lala galay Kenya School of Government kaas oo diyaarin doono macalimiintii wax ka dhigi lahayd macahadkii tababarada shaqaalaha oo hoos tagi doono jaamacadda ummadda.

 HR Audit of ministries 17 HR Audit of ministries 18 HR Audit of ministries 19 HR Audit of ministries 20 HR Audit of ministries 21 HR Audit of ministries 22 HR Audit of ministries 23 HR Audit of ministries 24 HR Audit of ministries 25 HR Audit of ministries 26 HR Audit of ministries 27 HR Audit of ministries 28 HR Audit of ministries 29 HR Audit of ministries 30 HR Audit of ministries 31 HR Audit of ministries 32 HR Audit of ministries 33 HR Audit of ministries 34 HR Audit of ministries 35HR Audit of ministries 0

– DH A M A A D –