Save Children Somaliya iyo Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo si wadajir ah u abaabulay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka 8-March, 2018

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee haweenka 8-da Maarso, 2018 oo si wadajir ah u abaabulay Save the Children Somalia iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa lagu qabtay Hotelka Green Paradise ee magaaladda Muqdisho.

Munaasabadan waxaa ka soo qayb galay in ka badan 60 marti sharaf kala duwan oo ka kala socda wasaaradaha iyo hay’adaha sida Hay’adaha Qaramada Midoobey ee Ilaalinta Caruurta Caalamiga ah, Culimada Diinta, Dawlad Goboleedyada, Ururada NGO-yada, Dhallinyarada & Haweenka u adeega Bulshada Soomaaliyeed.

Ujeedada ugu weyn ee xuska Maalinta Haweenka Caalamiga ah leyskugu yimid waxay ahayd in la iska xog wareysto horumarka iyo guulaha ay gaareen haweenka iyo waxii aqabad ku ahaan in lagu falanqeeyo (National dialog) sanadkan 8-da Maarso 2018.

Dabbaaldegga adduunka Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka ayaa muhiim ah maadaama ay xasuusinayso dadweynaha iyo Xukuumadda si looga hortago ku xad gudbida xuquuqda haweenka iyo in kor loogu qaado wacyigelinta si loo xaqiijiyo xuquuqda haweenka ee Soomaaliya.

Marwo, Fardowsa Axmed Cabdullaahi oo ah La taliyaha Arrimaha Bulshada ee Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa shir guddoomineysay shirka waxeyna sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay yihiin laf-dhabarka bulshada iyo in ay soo mareen dhibaatooyin tan iyo burburkii dowladdii dhexe.

Waxey tiri “ dumarka Soomaaliyeed waa kuwa ugu ad’adag Aduunka,waana kuwa ugu qurux badan qaarada Africa, waxaad la socotaan in ay wax walba marka hore ay saameeyaan dumarka sida Caafimaad darada, korinta Caruurta IWM, waxaan rabnaa inaan hubinno oo aan wax ka qabanno caqabadaha hortaagan xuquuqda dumarka. Waxaa jira waxyaabo badan oo aan u baahannahay inaan ka wada shaqeyno si aan ugu suurto gelinno haweenka Soomaaliyeed”.

“Waa in aan hubinno in aysan jirin wax caqabado ah oo ka hor imaanayo adeega bulshada iyo nolosha guud ee haweenka Soomaaliyeed. Muhiimadda, waxbarashada waa in si buuxda loo gaarsiiyaa guud ahaan Soomaaliya, si ay gabdhaheenu u helaan fursado isku mid ah si ay ula bartaan wiilasha walaalahooda, “ayay tiri. La taliyaha Arrimaha Bulshada Marwo, Fardowsa Axmed Cabdullaahi.

Dhinaca kale, waxaa munaasabada ka hadlay mas’uuliyiin sare sida gudoomiye ku xigeenka hey’adda Save Children mudane Maxamuud Maxamed Xasan, Maxamed Shirwac Agaasimaha Tubta Nabada, Asli Ismacil Ducaalle iyo Marwo Casha Shaacuur waxaana aad loogu falanqeeyay dood wadaaga in ay jiraam dhaqamo sheegaya in haweenka Soomaaliyeed aysan ka qayb qaadan karin ama aysan ka mid noqon karin geeddi-socodka siyaasadeed, waxeyna xoogga saareen in codadka haweenka loo baahan yahay in la dhagaysto, waxeyna intaa ku dareen in ay u baahan yihiin inay ka mid noqdaan go’aan gaarayaasha haddii aragtidooda si dhab ah loo qaato.

Waxaana madasha laga sheegay in Tobaneeyo sano dumarka Soomaaliyeed ku noolyihiin xaalado adag oo kala duwan oo la xariira tacaddiyada sida galmoodka.

Marwo. Fardowsa Axmed oo ugu dambeyntii soo xirtay madasha(National dialog)dood wadaaga waxey hambalyo iyo bogaadin u dirtay dhammaan Haweenka Soomaaliyeed ay guul ku gaaraan sanadka xigga ee xuska Maalinta Haweenka Aduunka 8-March.

MOLSA and SAVE children MOLSA and SAVE children 6 MOLSA and SAVE children 5 MOLSA and SAVE children 4  MOLSA and SAVE children 2 MOLSA and SAVE children 1

MOLSA and SAVE children 3