RW Kheyre oo Daahfuray Mashruuca Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka Dowladda

Xaflad ay soo wada agaasimeen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa maanta waxey ka dhacday Hotel SYL ee magaalada Muqdisho, taasoo ujeeddadeedu aheyd Furitaanka Tirakoobka Shaqaalaha Dowladda .

Waxaa madasha xafladda ka soo qeybgalay daahana ka furay Ra’iisul Wasaaraha XFS Xasan Cali Kheyre, Hanti-dhowrka Qaranka Mudane Maxamed Cali (Afgooye), Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Xasan Abshiroow Maxamed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Cadde Mukhtaar iyo Xildhibaanno,Wasiirro, Agaasimayaal, kooxda hoballada Waaberi  iyo qaar kamid ah Shaqaalaha Rayidka ee ka wada socday hey’adaha dowladda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada & Arriamaha Bulshada ayaa furay hadalka madasha asagoo si diirran u soo dhoweeyay ka soo qeybgalayaasha xafladda, waxuuna sheegay in ay muhiimad gaar ah u leedahay Dowladnimada in la sameeyo Tirakoobkan, maadaama la rajeynaayo natiijadiisa in ay noqoto in la helo Shaqaale Tayeysan ee tiro cayiman leh kuwaasoo si sax ah u gudan kara waajibaadkooda.

Howlaha muhiimka ee sidaanoo kale ah ayaa waxaa lamahuraan u ah in uu la socdo Hanti-dhowrka Qaranka, asagoo goobjoog ka ahaa indhahana ku haayay sidey wax u soconayaan, waxuu ka dhiibtay kulanka hadlkii ku aaddanaa asagoo sheegay howlo badan ee dib u dhis ah ee dalka ka socda in uu qeyb ka yahay Tirakoobkan, waxuuna taa ku daray in uu tirakoobku horseedi doono shaqada dowladda habsami socodkeeda.

Maadaama Tirakoobkani uu quseeyo Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda ayaa waxaa kulanka hadallo ka tarjumaayo Shaqaalaha ka soo jeediyay Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Mudane Xasan Abshiroow Maxamed.

Waxuu ka taariikh bixiyay Xaaladaha uu soomaray Shaqaalaha iyo dhib badan in uu ka taagnaa maareynta iyo tirakoobkoodu, waxuuna yiri “sidaa darted waxaan u mahadcelineynaa dowladdan haldoorka u ah Isla-xisaabtanka kuna fikirtay in la sameeyo Tirakoob iyo maareyn lagu samenaayo Shaqaalaha Rayidka”.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ee ah halbowlaha shaqadan tirakoobka shaqaalaha Rayidka ayaa waxuu madasha ka yiri: “Tirakoobku waxuu qeyb ka yahay howlaha dib-u-dhiska dowladda ee dhammaan ka socda hey’adaha dowladda ay hoggaanka u hayyaan xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo midka madaxweynahaba, sidaa darteed Wasaaraddeydu dowrkeeda ayaa ah Arrimaha Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada, howshan Tirakoobkana waxey ka mid tahay waajibaadka loo igmaday Wasaaraddeenna. Tirakoobkani ma ahan mid lagu eryayo kuwa ka mid ah shaqaalaha ee waa mid lagu cayimaayo cadaddooda laguna tayeynaayo xirfadahooda”, waxuu kaloo ka codsaday Ra’iisul Wasaaraha in uu dardargeliyo dib u dhiska machadka SIDAM ee lagu tababaraayay Shaqaalaha kaa soo fududeyn lahaa Tayeynta Shaqaalaha.

Ugu dambeyn, waxaa Xafladda Daahfurka Tirakoobka Shaqaalaha soo gabagabeeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Xasan Cali Kheyre, waxuuna ka warramay ahmiyadda ay u leedahay Xukuumaddiisa in la sameeyo Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka, asagoo sheegay in ay howshani ka tarjumeyso Isla-xisaabtanka haldhigga u ah waxqabadka Xukuumadda Nabad iyo Nolol.

Waxuu ku soo afmeeray R/W hadalkiisa baaq uu u diray golohiisa Wasiirrada ee ahaa in ay si hufan kala shaqeeyaan Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac arrimaha quseeya Tirakoobka Shaqaalaha dowladda.

tira koobka 1 tira koobka 2 tira koobka 3 tira koobka 4 tira koobka 5 tira koobka 6 tira koobka 7 tira koobka 8 tira koobka 9 tira koobka 10 tira koobka 11 tira koobka 12 tira koobka 13 tira koobka 14 tira koobka 15 tira koobka 16 tira koobka 17