Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo dhagax dhigay Xarunta Tiyaatarka Qaranka + “sawirro”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta dhagax dhigay xarunta Golaha Murtida iyo Maddadaalada ee Tiyaatarka Qaranka kaasi oo la doonayo in lagu dhiso barnaamijka loogu magacdaray isxilqaan qaran.

 

Madaxweynuhu waxa uu balan qaaday in muddo sanad ka yar lagu soo gabo gabeyn doono dhismaha Tiyaatartaka Qaranka, “waxaan rajeynaynaa in fanaaniinta ay halkaasi ku soo gudbiyaan hal abuurkooda” ayuu yiri Madaxweynaha.

 

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay Tiyaatarka Qaranka, isagoona kula kulmay qaar ka mid ah hormuudka bahda fanka iyo Hobollada Waaberi.

 

Dhinaca kale Munaasabada lagu dhagax dhigay xarunta tiyaatarka qaranka ayaa waxaa  ka soo  qeyb galay Golaha  Wasiirada, Shaqaalaha  Rayidka ee dowladda Soomaaliya iyo maamulka  Gobolka  Banaadir.

 

 

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan  Saalax  Ahmed Jaamac oo aad ugu faraxsan cududa  shaqaalaha iyo ogolaashaha warqada Casuumaada ee kasoo baxday wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada ee aheyd in ay ka soo qeyb galaan shaqaalaha  barnaamijka isxilqaan qaran ayuu wasiirka u mahad celiyay mid midna u gacan qaaday Agaasimeyaasha iyo  howl wadeenada wasaaradaha ee soo xaadiray dhagax dhigga xarunta Golaha Murtida iyo Maddadaalada ee Tiyaatarka Qaranka  .

 

Tiyaatarka qaranka ayaa noqanaya midka ugu horeeya ee lagu dhisayo barnaamijka loogu magacdaray isxilqaan qaran iyadoona dowaldda soomaaliya ay goor hore soo magacawday guddiga dhisaya tiyayatarka ayey ka mid yihiin   Shaqaalaha Rayidka  qeybna  ka qaadan doonaan taaba gelinta dhismaha xarumaha Tiyaatarka qaranka, Madxafka qaranka Maktabada qaranka iyo garoonka kubada cagta ee Stadium Muqdisho.

 

Dowaladda  ayaa Shacabka Soomaaliyeed  ugu baaqday inay ka qeyb qaataan dhismaha lagu sameynayo xarumaha dowladda ee lagu dhisayo is xilqaan Qaran .