Kulan looga Hadlayay Fududaynta Barnaamijka Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka

Kulan ay soo agaasimeen xafiiska Ra’isal Wasaaraha iyo Mashruuca tayeynta hay’adaha dowlada ee world bank ayna ka soo qayb galeen dhamaan xoghayayaasha Joogtada iyo agaasimayaasha guud ee qaybaha ay ka koobna tahay xukuumada federaalka ayaa ka dhacay xarunta akedamiyada Cilmiga fanka iyo suugaanta.

Agaasimaha guud ee Wasaarada shaqaalaha iyo Arimaha Bulshada Mudane Maxamed Cade Muqtaar oo daahfuray kulanka ayaa ka warbixiyay muhimada uu leeyahay kulankan iyo sida ay laga maarmaarnka u tahay in la ogaado tirada dhabta ah ee shaqaalaha Rayidka ee xukuumada iyo tayeynta shaqaalaha si kor loogu qaado xirfada iyo aqoonta shaqaalaha, Agaasimaha guud wuxuu ku wargaliyay agaasimayaasha iyo xog hayayaasha in ay diyaariyaan tirakoobka shaqaalahooda iyadoo arinta tirakoobka ay xukuumada u xil saartay hay’ad madax banaan oo tiri koobi doonto dhamaan hay’adaha kala duwan ee xukuumada.

Gudoomiyaha Gudiga shaqaalaha Rayidka Mudane Xasan Abshiroow oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay doorka ay ku leeyihiin barnaamijka tirakoobka, isagoo sheegay in ay diyaar u yihiin barnaamijkan.

Xoghaya Joogtada xafiiska Ra’isal Wasaaraha Mudane Maxamed Kaynaan ayaa sheegay in dhamaan xoghayayaasha iyo agaasimayaasha ay mas’uul ka yihiin tirakoobka dhabta ah ee shaqaalaha ay mas’uulka ka yihiin Xoghayaha waxa uu sheegay in maanta ay halkan isugu yimaadeen in ay isla eegaan hab raaca ay soo bandhigi doonaan gudiga Farsamada.

Ugu danbayntii Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay Kulanka, wuxuuna sheegay baahida loo qabo in la tirakoobo shaqaalaha Rayidka lana sugo tirade dhabta oo la ogaado heerkooda aqooneed halka ay gaarsiisan yihiin, wuxuu dhamaan ka soo qayb galayaasha ku dhiiro galiyay dar-dar galinta iyo hirgalinta barnaamijkan, isagoo kula dar-daarmay in agaasimayaasha iyo xaghayayaasha ay cadaalad sameeyaan ayna u cadaalad falaan shaqaalahooda.

-DHAMAAD –

HR audit Somalia 0 HR audit Somalia 1 HR audit Somalia 2 HR audit Somalia 3 HR audit Somalia 4 HR audit Somalia 5 HR audit Somalia 6 HR audit Somalia 7 HR audit Somalia 8 HR audit Somalia 9 HR audit Somalia 10 HR audit Somalia 11 HR audit Somalia 12 HR audit Somalia 13 HR audit Somalia 14 HR audit Somalia 15 HR audit Somalia 16