Kulamo isbarasho ah uu Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Swaqar la yeelanayay Waaxyaha Wasaaradda oo soo gabagaboobay

 

Tan iyo markii lasoo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Xildhibaan Swaqar Ibraahim Cabdalla  ayaa waxa uu bilaabay kulamo isbarasho iyo xog ogaal isugu jira ee uu la yeelanayay Madaxda Wasaaradda uu ugu horreeyo  Xoghayaha Joogtyada, Agaasimaha Guud, Agaasime Waaxeedyada iyo dhammaan Shaqaalaha.
Haddaba kulanki ugu dambeeyay waxa uu ahaa mid uu la qaadanayay maalmihi lasoo dhaafay Waaxyaha Wasaaradda, kaasoo soo gabagaboobay.

 

 

Kulamadaan ayaa ujeedkoodu ahaa mid uu  Wasiir Swaqar ku ogaanayay waxqabadka Shaqaalaha iyo Waax waliba ee ka tirsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyadoo dhammaan xubnaha Waax waliba ay soo xaadiraayeen ee uu ugu horreeyo Agasimaha Waaxda markaasi soo jeedinta Waxqabadka ku qorneyd.

 

Inta ay kulamadaan  soo socdeen ayaa Waax waliba waxey kusoo bandhigeysay Tirada Shaqaalaheeda iyo dowrkooda, Waxqabadkeeda, Baahida Qalab ama farsamo ay u baahneyd iyo Caqabadaha waxyaabihi u qabsoomi waayay, taasoo ka dhigneyd in Wasiir Sawaqar kula jaanqaadayay xaaladda hoose oo ay ku sugan tahay Wasaaraddiisa si uu u guto waajibaadkiisa kaga aaddan.

 

Ugu dambeyn Wasiir Sawaqar ayaa Shaqaalaha Waax waliba waxuu kula dardaarmayay asagoo ka warqabay iney jiraan qaar kamid ah Shaqaalaha aanan soo xaadirin shaqadooda xilli walba iney waajibaadkooda u gutaan si sax ah ugana baqaan Allah, si uu ugu xalaaloobo mushaarka ay ka qaataan dowladda.