Hay’adaha kaaba Dowladda oo ka qeyb galay kulan ku saabsanaa Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka

Kulan wadatashi ah oo ku saabsanaa Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ayaa ka dhacay Akadeemiyada Fanka iyo Suugaanta magaaladda Muqdishu. Kulankaan ayaa ahaa midkii ugu horreeyay ay isugu yimaadeen in kabadan 20 Hey’adood ee kuwa dowladda Kaaba ah kuwaasoo ka wada hadlay iskana wareystay xaaladaha farsamo ee lagu qaban karo Tirakoobka Shaqaalaha Dowladda ee dhowaan la rajeynaayo in uu bilowdo.

Kulankan ayaa waxaa si wadajir ah u soo agaasimay xafiiska Ra’isal Wasaaraha, Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada iyo Mashruuca tayeynta ee hay’adaha dowlada (World bank) waxaana madasha ka soo qeybgalay Masuuliyiinta kala ah Agaasiamaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Maxamed Cadde Mukhtaar, Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Mudane Xasan Abshiroow Maxamed, Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaaraha ahna Shir Guddoomiayaha Kulanka Maxamed Keynaan iyo Masuuliyiin ka socotay Hey’adaaha Kaaba Dowladda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada ee daahfuray kulanka ayaa u mahadceliyay ka soo qeybgalayaasha Shirka, waxuuna sheegay in loo diyaargaroowo Shaqada adage ee soo socota, asagoo sharraxaad ka bixiyay nidaamka shaqaalaha loo tirakoobaayo iyo sidoo kale faa’idada uu u leeyahay tirakoobka shaqaalaha Soomaaliyeed.

Faa’idada kulankan ayaa ahaa in leys kaga war qaado si sax ahna loo ogaado marxaladaha Tirakoobka iyo waxyaabaha looga baahan yahay Shaqaalaha, weydiin iyo warcelin dheer kaddib waxaa meel leysla dhigay si wadaji ahana loo fahmay tirakoobka iyo qaabka uu u qabsoomi doono maalamaha soo socda.

Ugu dambeyn Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaaraha Maxamed Keynaan oo soo xiray kulanka ayaa ka soo qeybgalayaasha xusuusiyay qodobada ugu muhiimsan ee Tirakoobka kuwaasoo ahaa:

B. Tirakoobka Shaqaalaha Rasmiga ah.

T. Tirakoobka Shaqaalaha qandaraaslayaasha ah.

J. Tirakoobka Shaqaalaha Ku Meel Gaarka ah.

Waxuuna kula dardaarmay iney si daacadnimo ah ay u gutaan waajibkooda.

  Hr Audit Meeting for Agency 1 Hr Audit Meeting for Agency 2 Hr Audit Meeting for Agency 3 Hr Audit Meeting for Agency 4 Hr Audit Meeting for Agency 5 Hr Audit Meeting for Agency 7 Hr Audit Meeting for Agency 9 Hr Audit Meeting for Agency 10 Hr Audit Meeting for Agency 11 Hr Audit Meeting for Agency 12 Hr Audit Meeting for Agency 13 Hr Audit Meeting for Agency 14 Hr Audit Meeting for Agency 16

-Dhammaad-