Fasaxa Shaqaalaha Ciidda Carrafo: Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo shaacisay fasaxa shaqaale-weynaha Soomaaliyeed Ciidda awgeed

Fasaxa Shaqaalaha Ciidda Carrafo: Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo shaacisay fasaxa shaqaale-weynaha Soomaaliyeed Ciidda awgeed

Fasaxa Shaqaalaha munaasabada  Ciidda Carrafo:-

 

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shaqaalaha u shaqeeya hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay yihiin fasax maalmaha ciidda Carrafo.

 

Waxaa lagu yiri qoraalkan “Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay ku wareglinaysaa dhammaan hey’adaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay shaqaalahooda in ay yihiin fasax Munaasabadda Ciidda Carrafo maalmaha Talaadada  iyo Arbacada hadii Alle uu idmo, kuna aadan 21-22 Bisha August, 2018.”

 

Sida ku cad sharciga shaqaalaha Qod.30aad,Far. 2aad na ay fasax yihiin maalinta Talaadada  iyo Arbacada.

Waxaan u rajeynayaa in dhamaan shaqaale weynaha Soomaaliyeed ay ku ciidaan farxad iyo Nabad ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

 

Waxaana ku saxiixnaa

Maxamed Cadde Mukhtaar

Agaasimaha Guud ee

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada