Doorka Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo kaalinta uu ku leeyahay tirakoobka shaqaalaha dowladda (Faallo)  

 Kulan ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo ay ka soo qey galeen ku dhawaad 25 Agaasime waaxeedyada shaqaalaha ee wasaaradaha Dowladda ayaa ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Agaasiamaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Maxamed Cadde Mukhtaar oo shir gudoominayay kulanka ayaa faah faahin iyo sharraxaad dheer ka siiyay Agaasime Waaxeedyada hadafka laga leeyahay tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ee Hey’adaha Dawladda XFS.

Agaasimaha Guud ayaa sheegay in ay jirto Shirkad madax bannaan oo ku guuleysatay fulinta Barnaamijkan oo logu magacaabo ASAL oo kaashaneysa Baanka Adduunka (World Bank).

kulanka loo qabtay Agaasimayaasha   shaqaalaha   waxaa goob joog ka ahaa khubaro caalami ah sida shirkada (ASLA consulting) iyo (African Professional Development Group) mas’uuliyiin ka tirsan oo kala ah Xamdi Sheekh Maxamed iyo Sarah Richson ayaa faallo dheer ka bixiyeen hirgelinta barnaamijkaan.

Faa’idada kulankan ayaa ahaa in leys kaga war qaado si sax ahna loo ogaado marxaladaha Tirakoobka, weydiin iyo warcelin dheer kaddib waxaa meel leysla dhigay doorka Agaasimaha waaxda shaqaalaha iyo kaalinta uu ku leeyahay tirakoobka shaqaalaha dowladda.

Ugu danbayntii kulanka ayaa ku soo idlaaday jawi farxadeed, dhammaan ka soo qayb-galayaashana ay ballan qaadeen in ay dardargelinayaan hirgelinta barnaamijkan.

HR Dipartment meeting 0  HR Dipartment meeting 2 HR Dipartment meeting 3 HR Dipartment meeting 4 HR Dipartment meeting 5 HR Dipartment meeting 6 HR Dipartment meeting 1HR Dipartment meeting 7 HR Dipartment meeting 8 HR Dipartment meeting 9 HR Dipartment meeting 10