Agaasimaha guud Wasaaradda Shaqada oo soo xiray Kulan ay yeesheen Mas’uuliyiinta qeybaha kala duwan ee Mashruuca YES

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa dib u eegista waxii ka qabsoomay iyo waxa lagu kordhin karo Mashruuca Shaqo Siinta Dhallinyarada Soomaaliyeed (YES) ee gabagabada sii maraaya.

 

Waxaa madasha kulanka soo xaadiray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Cadde Mukhtaar, Lataliyaha Barnaamijka Mashruuca YES mudane Kooshin Korfa Gaarane , La talisada Dowlad-goboleedka Galmudug, La taliyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, La taliyaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle iyo La taliyayaasha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Federaalka, Madaxa Isgaarsiinta ee Mashruuca YES Ubax Maxamuud Nuur iyo Waaxda Xiriirka Guud & Isgaarsiinta ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

 

Mr. Saciid Cusmaan oo ah kaaliyaha Barnaamijka YES ayaa kulanka furay soona jeediyay ujeedka kulanka iyo waxa looga hadlaayo, asagoo ka hadlay bajad ahaan waxii ku baxay barnaamijka YES maadaama uu gabagabo yahay, waxaase ka dhashay su’aalo badan ee ku saabsan sida wax loo qabtay taasoona sababtay in leysu qeybiyo 3 group, si looga doodo waxii qabsoomi waayay caqabadahooda, xalkooda iyo waliba kala mudnaashiyahooda.

 

Group walba waxuu soo jeediyay waxey isla garteen iney xal u noqon karaan waxii u ka qabsoomi waayay mashruuca.

Lataliyaha Barnaamijka Mashruuca YES mudane Kooshin ayaa waxuu ka hadlay guud ahaan mashruuca YES sida loogu talagalay iyo sidey wax u qabsoomeen, waxuuna sharraxay waxyaabihi qabsoomi waayay iyo sababteeda iyo in loo baahan yahay in aan ku darsano waxii fikir ah ee wax looga badalaayo siduu mashruuca u socdo.

 

Intaasi kaddib, waxaa madasha yimiday Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee DFS Maxamed Cadde Mukhtaar, si uu u soo xiro kulanka, asagoo ka hadlay Mashruuca YES bilowgiisi ilaa iyo halkuu hadda maraayo, waxuuna intaas ku daray in loo baahan yahay shaqo abuur badan ee wax u taraayo dhallinyarada soomaaliyeed in leyska rabo maadaama mashruucaba loo unkay in shaqo abuur loogu sameeyo dhallinyarada soomaaliyeed.

 

Ugu dambeyn waxaa lays ku afgartay in leysku yimaado lixdii bilba 2 jeer si waxqabadka loo kordhiyo, maadaama lixdii bilood ugu dambeysay uu maraayo mashruuca.