Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Maxamed Cadde Mukhtaar ayaa Shir Gudoomiyay kulankii Labaad ee wada tashiga Guddiga Hagaya qorista Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Bulshada kaas oo lagu qabtay gudaha HOTEL JAZEERA ee Magaaladda Mugdisho.
kulankan ayaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, iyo Wasaarada Qorsheynta Dowladda Federaalka. waxaana kasoo qeyb galay musuuliyiinta Wasaaradaha ku howlan adeegga Arrimaha Bulshada sida: Wasaaradda Caafimaadka , Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Cadaalada, Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta Xuquuqda Aadanaha , Wasaaradda Qorshaynta, Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Qeyraadka Badda, Xafiiska Madaxweynaha Waaxda Arr. Bulshada, Maamul Gobolka Banaadir, Dawlad Goboleedyada Dalka, Lataliyeyaal Hey’addaha Dawladda iyo masuuliyiin heer sare ah oo ka socday hay’adaha WFP, Unicef iyo Samuelhall.org
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Cadde Mukhtaar oo furay kulanka wuxuu ka yiri : “ inteenaan waxaan iskugu nimid in aan ka wada tashano Qorshaha dawlada u dajisay horaan ee lagu go’aamiyay in la sameeyo Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Bulshada Soomaaliyeed. waxaa la guda galayaa talo wadaag loo aadi doono dhammaan Magaalooyinka Dawlad Goboleedayada dalka si looga soo dhaadhiciyo qaabka loo qorayo Siyaasaddda Ilaalinta Bulshada.
Agaasimaha guud ayaa sharraxaad dheer ka bixiyay ujeedka kulanka qorista Siyaasadda qaran ee ilaalinta Bulshada, asagoona xusay in Wada tashigan uu yahay mid horumar gaarsiin kara Bulshada tabaaleysa”.
Waxaa sidoo kale ka hadashay oo cashar ka soo jeedisay Marwo (Kourtnie schaefer) oo madax ka ah hay’adda samuelhall.org oo tiri “Qorshahani wuxuu muhim u yahay in ay ka faa’idaystaan dadka Nugul qeybahooda kala duwan oo baahida u qabo in ay helaan Sharci ama siyaasad lagu ilaalinayo Bulshada”
Mrs. Kourtnie ayaa ku dheeraatay waa maxay faa’iidada laga helayo siyaasadda ilaalinta Bulshada oo ka mid ahaa cutubyada soo jeedinteeda, waxeyna balan qaaday in hey’adda Samuelhall.org diyaar u tahay ka shaqeynta Siyaasadda qaran ee ilaalinta Bulshada
Ugu dambeentii waxaa si talan taali ah uga wada hadlay dhammaan ka soo qeyb galayaasha Madasha kulanka oo ku darayay talooyin wax ku owl ah iyo weydiimo ku haboon qaabka loo wajahayo qoraalka Siyaasadda qaran ee ilaalinta Bulshada Soomaaliyeed.