Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa maanta u furay Shaqaalaha Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Isgaarsiinta saameynta leh

Aqoon-isweydaarsigan ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Waaxda Tababbarada iyo Waaxda Xiriirka Guud iyo Isgaarsiinta ayaa maanta waxuu ka furmay Wasaaradda si kor loogu qaado dhammaan isgaarsiinta Wasaaradda taasoo muhiim u ah nidaamka habsami socodka shaqada guud ahaan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Cadde Mukhtaar ayaa furay Aqoon-isweydaarsigan kaasoo uu ku sheegay iney muhiim u yahay dhammaan xubnaha Wasaaradda ee isugu jira madaxda Wasaaradda iyo Shaqaalahaba.

Waxaa soo jeedinaayay Aqoon-isweydaarsiga Saciid Cusmaan ee kamid ah la taliyayaasha mashruuca ‘YES’, waxuuna u agaasimay Aqoon-isweydaarsiga si hufan asagoo u kala saaray shaqaalihii kasoo qeyb galay afar kooxood si dood looga sameeyo qodob walba ee laga hadli maago ee ku saabsan Isgaarsiinta Saameynta leh, waxyna u wadaageen shaqaalaha fikradahooda si dhammeystiran.

 

Agaasimaha Waaxda Tababbarada Ismaaciil Macallin Cabdullaahi ee kamid ahaa qabanqaabiyayaasha kulankan ayaa waxuu ku boorriyay shaqaalaha iney ka faa’ideystaan kulamadaan oo kale maadaama aqoontooda kor loogu qaadaayo ayna faa’ido u tahay naftooda iyo Wasaaraddaba.

 

Agaasimaha Waaxda Xiriirka Guud iyo Isgaarsiinta ee ah qabanqaabiyaha labaad ee Aqoon-isweydaarsigan ayaa sidoo kale ka hadlay madasha ugana mahadceliyay shaqaalaha sidey u soo ajiibeen una ballan qaaday inuu u hayo macluumaad  badan oo aqoonta lagu kordhinaayo u keeni doonaan shaqaalaha wasaaradda .

 

Ugu dambeyn waxaa lagu ballamay in leysugu soo laabto qeybtiisa labaad Aqoon-isweydaarsigan ee ku aaddan barrito lana soo gabagabeyn doono.