Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqada Iyo Arimaha Bulshada oo Kormeer Ku Tegay Xarunta Tababarka Xirfadaha Gacanta ee Xero Germany

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane C/laahi Maxamed Cali ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta tababarka ee Dugsiga Farsamada Gacanta ee Xero Germany, isagoo hor kacayay mas’uuliyiinta iyo madaxda xarunta tababarka farsamada gacanta si uu ugu kuurgalo howlaha shaqo ee ka socda Dugsiga Farsamada Gacanta.

Xarunta tababarada ee Dusiga Farsamada iyo Xirfadaha Gacanta Xero Germany oo ku yaalla Magaalada Muqdisho, waxuuna ka mid yahay Xarumaha ugu waa weyn Dalka Soomaaliya, waxaana lagu baran jiray Qeybaha kala duwan ee Farsamada Gacanta, halkaas oo ay wax ku Barteen dhalinyaro Soomaaliyeed oo aad u fara badan.

Kormeerkan oo uu Agaasimaha Guud ku wehelinayey La-taliyayaasha Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada oo ay ka mid ahaayeen Agaasimihii hore ee Xarunta tababarada ee Dusiga Farsamada iyo Xirfadaha Gacanta Xero Germany Mudane Mahdi Maxamuud Cali iyo Xasan Maxamed Guutaale oo hadda ah Maareeyaha Dugsiga Farsamada.

Xarunta Farsamada Gacanta ayaa dib loo bilaabay iyadoo lagu baranayo farsamada gacanta waxaana ka faa’ideysanaya 100 dhalinyaro ah oo isugu jira gabdho iyo wiilal kuwaas oo baranaya farsamada gacanta sida Makaanikada, Korontada iyo Cadceedda (Solar) waxaana ka faa’iideysan doona dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa kula dar daarmay dhalinyarada iyo mas’uuliyiinta in ay ka faa’ideystaan xaruntan oo ah xudunta horumarinta, tayeynta xirfadaha iyo shaqo Abuurka Dalka.