Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xil. Sawaqar Ibraahim oo soo xiray tababbar lagu tayeynaayay Shaqaalaha Wasaaradda

Tababbarkani oo ahaa qeybtiisii Saddexaad laguna baranaayay Maamulka Shaqada ayaa waxaa soo xiray Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xil. Sawaqar Ibraahim Cabdalla

Waxaa kasoo qeybgalay madasha Tababbarka La Taliyeyaasha Wasaaradda, Agaasimaha Waaxda Tabbabbarrada Ismaaciil Macallin Cabdullaahi, Agaasimaha Waaxda Xiriirka Guud iyo Isgaarsiinta Cabdirashiid Xeydar, Agaasimaha Waaxda Macahida Cumar Baal-taag iyo Shaqaalaha Wasaaradda.

La Taliye Prof. Yuusuf Salaad oo ahaa fududeeyaha Tababbarkan ayaa waxuu shaqaalaha u soo jeediyay iney dhexdooda iska faa’ideystaan aynan sugin Tababbarrada noocaan oo kale ah oo marar dhif ah la qabto, waxuuna ku boorriyay iney ku jiraan Shaqaalaha qaar awood u leh iney u faa’ideeyaan Shaqaalaha.

Wasiir Sawaqar oo hadalkiisii kaga aaaddanaa madasha dhiibanaaya ayaa waxuu u sheegay Shaqaalaha iney muhiim u tahay Tababbarro noocaan ah in mar waliba loo qabto Shaqaalaha ayna ka faa’ideystaan.

Ugu dambeyn waxaa soo xirmay Tababbarkii soo socday laga soo bilaabo 15ka bisha kuna soo idlaaday sidii la filaayay, waxaana leyska weydiiyay su’aalo ku saabsanaa Tababbarka guud ahaan, si wanaagsan ayaana loo kala faa’iday.