Wasiirka Shaqada oo furay Kulan Wada Tashi ah oo looga hadlayay Siyaasadda Qaran ee Shaqo Siinta Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ayaa Shir Gudoomiyay
Kulan Wada Tashi ah oo looga hadlayay Siyaasadda Qaran ee Shaqo Siinta Soomaaliya, kaas oo lagu qabtay gudaha Garoonka caalamiga Adan Cadde ee Magaaladda Mugdisho.

kulankan ayaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo ILO waxaana kasoo qeyb galay musuuliyiinta Wasaaradaha ku howlan adeegga Arrimaha Bulshada sida: Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha, Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeenta, Wasaaradda Qorshaynta, Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Qeyraadka Badda, Wasiirada Shaqada ee Dawlad Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Gal-mudug, Lataliyeyaal Hey’addaha Dawladda iyo masuuliyiin heer sare ah oo ka socday hay’ada ILO uu hogaaminayey Agaasimaha u qaabilsan ILO Bariga iyo bartamaha Africa mudane George Okutho.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac oo furay kulanka wuxuu ka yiri : “ inteenaan waxaan iskugu nimid in aan ka wada tashano Qorshaha iyo qaabka loo wajahayo dejinta Siyaasadda Qaran ee Shaqo Siinta Bulshada Soomaaliyeed”.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa sharraxaad dheer ka bixiyay ujeedka kulanka asagoona xusay in Wada tashigan uu yahay mid horumar gaarsiin kara Bulshada shaqo doonka ah, waxuuna muujiyay baahida loo qabo in la taageero siyaasadaha caddaynta ku salaysan ee lagu horumarinayo nidaamyada xogta suuqa shaqada oo dhamaystiran, si loo helo xogta shaqooyinka iyo xirfadaha looga baahan yahay Dalka Soomaaliya.

kulanka Waxaa sidoo kale ka hadlay Mudane George Okutho oo qodobbo dhowr ah ka sheegay Siyaasadda Qaran ee Shaqo Siinta Soomaaliya. wuxuuna aad ugu dheeraaday ka hadalka mashaariicda dhaliyaradda shaqo loogu abuurayo ee ( Youth Employment Programme) Mr.Okutho ayaa balan qaaday in hey’adda ILO diyaar u tahay ka shaqeynta Siyaasadda qaran ee shaqo abuurka iyo shaqo siinta Bulshada.

Ugu dambeentii waxaa si Koox koox ah uga wada hadlay dhammaan ka soo qeyb galayaasha Madasha kulanka oo ku darayay talooyin wax ku owl ah iyo weydiimo ku haboon qaabka loo wajahayo Siyaasadda qaran ee Shaqo Siinta Bulshada Soomaaliyeed.