Kulankan oo ahaa shir wadatashi ah oo ku aadan siyaasadda ilaalinta bulshada ayey ka qayb galeen wasiirro ka tirsan Xukuumadda FS oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kaashaneysa Wasaaradaha Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka iyo Wasaaradda Qorsheynta, ayaa lagu qabtay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Madasha kulankan ayaa waxaa kasoo qeybgalay dhammaan Wasaaradaha u Adeega Bulshada oo ay quseysay siyaasaddan oo ay kamid ahaayeen; Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac oo shir gudoominayay Kulanka, Wasiirka Howlaha guud dib u dhiska iyo guryeenta C/fitaax Ibraahim Geesey, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka , Wasiir ku xigeenka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Wasiir ku xigeenka waxbarashada iyo tacliinta sare, Wasiir ku xigeenka Dhalinyarada iyo isboortiga, Agaasimaha Guud wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda iyo Agaasimaha Guud wasaaradda Macdanta iyo Batroolka iyo wakiilo ka socday , Hey’adda Samuel Hall iyo Hey’adaha Unicef & WFP oo garab ka siinaayay DFS fulinta barnaamijkan.
Maadaama ujeedka kulamadan ay ahayeen in lasoo uruuriyo aaraa’da iyo Talooyinka Wasiirada Wasaaradaha Adeegyada Bulshada DFS ee ah sidii loo hergelin lahaa Qorista Siyaasadda Ilaalinta Bulshada ayaa fikirka guud ahaan ay ka dhiibteen wasiirada iyo Agaasimeyaasha Ka soo qeyb galay fulinta siyaasadda Ilaalinta Bulshadana in wasaaradaha u sameyaan quburo ka soo fakara qaabka loo qorayo Siyaasadan lagu ilaalinayo dhammaan bulshada qeybaheeda Nugul.
ugu horeen waxaa sharaxaad ka bixisay heerarka uu soo maray talo wadaagan Marwo Fardowsa Axmed Cabdullaahi oo ah Lataliye, ahna Madaxa Siyaasadda Ilaalinta Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyadoo kaga mahadcelisay dhammaan intii kasoo qeybgashay kulankan.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Maxamed Cadde Muqtaar ayaa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta kulanka waxuuna ugu baaqay in Siyaasadan ay ka mid tahay waxyaabaha anfacaya dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac oo ka hadlay qodobo dhowr ah iyo waxa laga doonayo wasaaradahan ayaa sheegay “ Siyaasadda lagu daryeelayo dadka nugul waxaa la rabaa in qof walba in uu helaa daryeel caafimaad, caruurta Agoonta ah oo Hooyada saboolka ah la daalaa dhaceyso in la daryeelo, waxaana muhiim ah in Beeraleyda iyo Xoolaleyda Adeega daryeelka iyo gurmadka dowladda halkooda loogu geeyaa maxaa yeelay waxey caadeysanayaan in ay ka soo tagaan Miyiga oo ay Magaalada soo galaan siyaasadan kama marna wax soo saarka dalka” sidaana waxaa yiri wasiir Saalax.
Wasiiradda iyo Agaasimayaasha ka hadlay madasha ayaa soo bandhiga Aragtidooda ku aadan daryeelka Bulshada waxeyna balan qaadeen in ay kaalin ka geysan doonaan qoraalka Siyaasadda Ilaalinta Bulshada Soomaaliyeed.
Kulanka wada tashiga ayaa hore lala yeeshay ururada Bulshada, hey’adaha gaarka loo leeyahay, dowladda Goboleedyada Dalka iyo hey’adaha Caalamiga ah ee taageera dowladda Soomaaliyeed.