Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada oo ka qeyb-galay xaflad qalin jebin oo ay soo agaansintay Jamacada Jobkey.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo ka qeyb galay xaflad qalin jabin oo ay soo agaasintay Jaamacadda Jobkey, Xaflada ayaa waxaa lagu soo bandhigay 1200 Arday, oo ka mid  ah dufcadaha Jaamacaddaasi ayaa lagu Qabtay Hotel SYL  Magaalada  Muqdisho.

 

Xafladda qalin jabinta oo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin sare oo kala ah Wasiirro, Xildhibaanno, Agaasimayaal, Waalidiin, Ardaydii Qalin jabineysay, guddoomiyaha Jaamacadda Job-Key iyo  qaar ka mid ah madaxda Jaamacadaha dalka ayaa qudbado muhiim ah ka soo jeediyay.

 

Jaamacadda Job-key oo xiriir toos ah la leh Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa ku casuuntay in ay kasoo qeyb galaan Xafladda Qalin jabinta Ardayda   Jaamacadda Job key Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan  Swaqar Ibraahim Cabdalla iyo  Lataliyeyaasha Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshadda.

 

 

Wasiir ku xigeen ka  Wasaaradda mudane  Swaqar Ibraahim Cabdalla oo ka hadlay xaflada ayaa yiri “ farxad gooni ah ayey ii tahay in aan ka soo qeyb galo xafladda qalin jebin  arday  oo aad u tiro badan sidaas daraadeed waxaa marqaati ka ahay in ay  i hor fadhiyaan arday aad u faraxsan oo qalin jabineysa ayaga oo dalkooda wax u soo bartay doonayana in ay u shaqeeyaan ummadda Soomaaliyeed”.

 

“Hambalyada iyo mahad celinta waxaa iskale waalidiintii soo gaarsiisay Ardaydan in ay qalin jebiyaan, waxaa kaloo mahad celinta labaad is kaleh Mas’uuliyiinta Jaamacada Job-key oo runtii xaalada dalkeena ku sugan yahay oo la wadda og yahay ka fureen Jaamacad soona saartay arday kulyado kala duwan wax ka bartay oo gabdho iyo wiilal  Soomaaliyeed ah”.

 

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo ka faa’iidaysanayay fursada uu kula hadlayay Ardayda iyo Waalidiinta xaflada soo xaadirtay ayaa sheegay in ay dhilinyaradan wax soo baratay ay wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya  ugu baahan yihiin in shaqo abuur loo sameeyo.

 

Wasiir ku xigeenka ayaa yiri “Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay wadaa arrimo badan maadaama ay hawsheedu tahay shaqo iyo shaqaaleyn, waxaa miiska inoo saaran in ardayda Jaamiciyiinta ah sida idinka oo kale in aan shaqaaleyno oo aan shaqo abuur u sameyno”.  sidaana waxaa yiri Wasiir Swaqar.

 

Qudbada Wasiir ku xigeenka  oo aad u xiisad iyo xamaasad gelisay ardayda Qalin jabinesay ayuu wasiir ku xigeenka kula dar daarmay ardayda wax soo baratay in dalka u baahan yahay aqoonyahano wax ku soo kordhiya.

 

Gagabagabadii Munaasabada ayaa Shahaadooyinkoodii la siiyay ardayda xafladda Qalinjabinta ah loo qabtay ee dhameystay waxbarashada heerka koowaad ee Jaamacadda Jobkey.