Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo furay kulanka wada tashiga Siyaasadda Ilaalinta Bulshada ay ka soo qeyb galeen deeq bixiyeyaashada wadamada  Islaamka  iyo hey’adaha gaarka loo leeyahay ee dalka

kulankan oo socday muddo looga arrinsanayay wadatashi Siyaasada ilaalinta Bulshada, iyado ay ka qeyb galeen Wadamada deeq bixiyaasha muslimka  ah, Hay’adaha gaarka loo leeyahay, Ganacsatada Soomaaliyee , ururada Bulshada rayidka. waxaana si wada jir ah u soo qaban qaabiyay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kaashaneysa wasaaradda Gargaarka iyo Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Soomaaliya.

 

 

Waxaa lagu soo  bandhigay qoraalo ay fududeynayeen khuburo caalami ah. waxaana su’aalo layska weydinayay habka loo wajahayo  sida dadka danyarta ee u nugul dhibaatooyinka looga samata bixin lahaa looguna sameeyn lahaa maalgelin iyo shaqo abuur.

 

Safiirka Dowladda Suudan ee fadhiyo Soomaaliya mudane Maxamed Yuusuf Ibraahim ayaa sheegay in dadka danyarta la garab istaago maadaama lagu guda jira bisha Seko loga faa’iideysto kheyraad ku jira.

 

“waxaan haboon in dadka dan yartaah loo gargaaro loogana faa’deysto inta lagu guda jira bisha Seko islmarkaana muuhimad gaar ah ay tahay in la caawiyo dadka u nugul dhibaatooyinka”

 

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Xukumada Soomaaliya Xamsa  Saciid Xamsa ayaa xusay in Wasaaradda ay ka sheqeyso gargaarka iyo horumarinta dadka barkaca yaasha ah, siyasada illaalinta bulshadana ay muhiim u tahay dadka barkaca yaasha ah.

 

Wasiirka  Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Dowladda Soomaaliya Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac  oo shir gudoominayay kulanka ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed ee kunool qurbaha ay qeyb weyn ku leeyihiin dhaqaalaha soo gala dalka, waxaana lagu qiyaasaya lacagaha ay usoo diraan Eheladooda ku nool gudaha Dalka ku dhawaad Laba Milyan oo Dollar iyo lacago kabadan sanadkiiba..

 

sido kale intii uu kulanka socday Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa lagu amaanay shaqooyinka iyo fursadaha ay u abureen qeybaha kala duwan ee Bulshadooda.

 

Hay’adaha gar gaarka ee ka howl galo gudaha Dalka ayaa sheegay in sanad walba Soomaaliya ay ku bixiyaan lacago farabadan hase yeeshe meelihii loogu talagalay aysan u gaarin, waxaana Dowladda Soomaaliya balan qaaday in ay ka go’antahay ogaashaha iyo la socodka ilaalinta Bulshada danta yar.