Dib u habeyn lagu sameeyay Guddigii Goob Shaqo ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Waxaa dhawaan dib u habeyn lagu sameeyay Guddigii Goob Shaqo ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, taasoo horseeday in markii ugu horreysay Shaqaalaha ay doortaan xubnaha Guddiga ee laga doonayay 7 xubnood, iyagoo ka dhex doortay shaqaale tiradoodu gaareyso 11 musharrixiin ah.

Waxaa madasha Doorashada ka soo qeybgalay  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Cadde Mukhtaar, Agasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqo-Abuurka Saciid Aadan Mire, Agaasimaha Waaxda Xiriirka Guud iyo Isgaarsinta Cabdirashiid Cabdullaahi Xeydar, Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada Cabdullaahi Aadan iyo Shaqaalaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Sida uu qabo  nidaamka isdoorashada shaqaalaha ee Guddiga Goob Shaqo waxaa soo xaadira xubno ka socda Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Qaranka.

Doorashada xubanaha Guddiga ayaa loo adeegsaday qaab gacan taag  ah maadaama ay aheyd sida ugu sahlan, waxeyna  kala yihiin 7dii xubnood ee loo doortay iney noqdaan Guddiga cusub ee Goob Shaqo:

Lr. Magaca Xilka
1 Ducaale Xaashi Khalaf Guddoomiye
2 Maryama Ismaaciil Maxamed Xog-heyn
3 Luul Daa’uud Caateeye Xubin Anshax
4 Xuseen Aadan Xasan Xubin Anshax
5 Ibraahim Sheekh Cabdi Xubin
6 Cabdi Shire Coloow Xubin
7 Cismaan Cabdi Nuur Xubin

Agaasimaha Guud ayaa kula dardaarmay Guddigan cusub iney howshooda u gutaan sida laga filaayo ee ku saleysan Caddaalad iyo Allah ka cabsi.

Ugu dambeyn waxey Guddiga kulan isbarasho ah la qaateen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Xildhibaan Swaqar Ibraahim Cabdalla  asagoo u sheegay guddiga iney sugeyso howl adag oo ay ku ammaansadeen Shaqaalaha Wasaaradda, lagana filaayo iney si sax uga soo baxaan.