Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha  Waaxda Daryeelka Naafada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo safar Tababbar ah ku tagay dalka Koonfur Afrika

Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha  Waaxda Daryeelka Naafada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo safar Tababbar ah ku tagay dalka Koonfur Afrika

Agaasimaha  Waaxda Daryeelka Naafada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar  Xuseen Caliyoow  iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa magaalada Cape Town ee caasimadda dalka Koonfur Afrika (South Africa) u tagay tababbar aqoon-kororsi ah oo ay ku baranaayeen naqshadaynta iyo fulinta nidaamka Ilaalinta Arrimaha Bulshada oo quseysa Qorista Siyaasadda Ilaalinta Bulshada Soomaaliyeed.

Koorsadaan ayaa socotay muddo laba  isbuuc ah, waxaana kasoo qeybgalay 10 dal oo Qaaradda Afrika ka socday, waana markii ugu horreysay oo ay Soomaliya ka qeygasho, iyadoo wafdiga Dowladda Soomaliya ee ka qeybgalay  ay ka kala socdeen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka.

Inta ay socotay koorsadan ayaa waxey wafdigu booqasho ku tageen xurumaha Ilaalinta Bulshada, waxaana kamid ahaa “South Africa Social Security Agency (SASA), Expended Public Works Program (Epwp)”.

Moowduucyadii koorsada lagu bixinaayay ayaa ahaa :

  1. Siyaasadda Ilaalinta Bulshada (Social Protection Policy )
  2. (Ilaalinta Bulshada ay wehliso: ku biirinta dhaqaalaha, hab-nololeedyada iyo qaybaha kale ee Horumarinta ( Social Protection Plus: financial inclusion, livelihoods and other Development Sectors )
  3. Dabagal iyo Qiimeyn (Monitoring and Evaluation)

 

Sidoo kale inta ay socotay koorsadaan ayaa waxaa jiray soo bandhigis ku saabsaneyd Siyaasada Ilaalinta Bulshada oo waddan walba kusoo bandhigaayay waxyaabihii u qabsoomay iyadoo dalkeenna Soomaaliya wali uusan laheyn sharcigaan Ilaalinta Bulshada inkastoo ay jiraan qorshayaal hadda lagu qoraayo siyasaaddan,waxeyna dalalkii madasha ku sugnaa aad usoo dhaweeyeen in sharcigaan Ilaalinta Bulshada ay yeelato Soomaaliya.

 

Ugu dambeyn Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa wada dowrkeedan ku aaddan dhanka Arrimaha Bulshada oo ay ku dardargelineyso Qorista Siyaasadda Ilaalinta Bulshada iyadoo la filaayo dhowaan in la hergeliyo qoristiisa.