Kulamadii Siyaasadda Ilaalinta Bulshada ee lala yeelanayay Dowlad-goboleedyada oo ugu dambeyn lagu qabtay xarunta DG Puntland ee Garowe

Kulamadii Siyaasadda Ilaalinta Bulshada ee lala yeelanayay Dowlad-goboleedyada oo ugu dambeyn lagu qabtay xarunta DG Puntland ee Garowe

 

Iyadoo labadii Todobaad  ee lasoo dhaafay ay soconayeen kulamo DFS la yeelanaysay Dowlad-goboleedyada ee ku aaddanaa Siyaasadda Ilaalinta Bulshada taasoo hormuud ay ka aheyd Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo ay kala shaqeynaayeen Wasaaradaha Gargaarka, Maareynta & Musiibooyinka iyo Wasaaradda Qorsheynta, ayaa shalayto waxaa uu ugu dambeyn ka dhacay kulankan caasimadda dowlad-goboleedka Puntland ee Garowe.

Madasha kulankan ayaa waxaa kasoo qeybgalay dhammaan xafiisyadii ay quseysay siyaasaddan oo ay kamid ahaayeen; Xafiiska Madaxweynaha DG Puntland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee DG Puntland, Wakiil ka socday Wasaaradda Caafimaadka ee DG Puntland, Wakiil ka socday Wasaaradda Qorsheynta, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha DG Puntland, Hey’adaha aan dowliga aheyn ee ku sugan Garowe, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee DFS, Hey’adda Samuel Hall iyo Hey’adaha Unicef & WFP ee garab ka siinaayay DFS fulinta barnaamijkan.

Maadaama ujeedka kulamadan ay ahayeen in lasoo uruuriyo aaraa’da Gowlad-goboleedyada ee ah sidii loo hergelin lahaa Qorista Siyaasadda Ilaalinta Bulshada ayaa fikirka guud ahaan ay ka dhiibteen Dowladda Puntlan iyo Hey’adihii Ka soo qeybgalayba uu u batay in Dowladda FS ay u xilsaarto dad khuburro ah ee ku xeel dheer arrimaha bulshada, fulinta Ilaalinta Bulshadana ay dowladdu u sameyso guddi ay dhammaan bulshada ku wada kalsoon yihiin tusaale ahaan Culumada, taasoo fududeyn karta in si fudud dhaqaale lagu soo uruuriyo ee lagu ilaalinayo bulshada.

Ugu dambeyn waxaa soo gabagabeysay kulanka Fardowsa Cabdullaahi ee ah Madaxa Siyaasadda Ilaalinta Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyadoo kaga mahadcelisay dhammaan intii kasoo qeybgashay kulankan.

 

WD. Mustaf Ismaaciil

Madaxa ITC MOLSA

DG Puntland ee Garowe