Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo xafiiskiisa ku qaabilay khabiir UNDP uqaabilsan dhanka sharuucda

Wasiirka Wasaaradda  Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay khabiir UNDP uqaabilsan arrimaha sharciyadda oo horey ugu soo shaqeeyey gacana ka geestay wax ka badalka sharciga  Lam.11 ee  shaqaalaha rayidka ayaa soo gaaray Magaaladda Muqdisho.

 

Mr. Giulio de Tommaso oo ah khabiir UNDP-da usoo xilsaartay dib u qorista sharciga shaqaalaha rayidka ee Dowladda ee L.11 ayaa u  yimid in uu soo  bandhigay 38 Xeerka (Regulations) lagu kaabayo wax ka badalka sharciga  lam.11 ee  2006  shaqaalaha rayidka waxuuna  sharxaad dheer ka bixiyey howlaha layskugu waafajinayo shuruucda shaqaalaha Dawlad Goboleedyada , wuxuuna tusaalle usoo qaatay kala duwanaashaha shuruucda ay ku  howlgalaan dowlad goballeedyada dalka sida:- Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle Wuxuuna intaa raaciyay in  Wadamada Federalka ah ay lee yihiin hal sharci oo dalad u ah Federaalka.

 

Sidoo kale khabirka wuxuu bogaadiyeey wasaaradda shaqada oo ku guuleysatay horgeynta Gollaha wasiirada lanasugaya in uu Baarlamaanka ansaxiyo Sharciga Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Lam.11

 

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Shaqadda Arrimaha Bulshada Shawaqar Ibraahim Cabdalla oo ka hadlay shirka wuxuu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay howlaha sharci u sameynta Wasaaradda wuxuuna yiri “waxaan rajeynayaa in aan diirada saarno in uu sharciga shaqaalaha sida ugu deg degta badan uga  soo gudbo Baarlamaanka marka la furo” wuxuuna su’aalo toos weydiiyey khabiirka UNDP u wakiilatay sameynta shuruucda shaqaalaha Soomaaliyeed.

Ugudanbeyntii Wasiirka Wasaaradda Shaqada Arrimaha Bulshada Xildhibaan Saalax Ahmed Jaamac oo shir gudoominayey shirka ayaa meelo badan oo ka mid aheyd  qabyo qoraalka 38 Xeerka (Regulations) waxuuna guddiga  u sheegay in si macquul ah loo darso  (Draft) uu keenay  Khabiirkan ayna  u saxaan sida ugu haboon.

 

Wasiirka shaqada ayaa u rajeeyey guddiga ku howlan in ay soo dadajiyaan maadaama sharciga shaqaalaha uu u yahay lafdhabar hormarka shaqaalaha Soomaaliyeed.