Gudiga Qorista Siyaasadda ilaalinta Bulshada ee DFS ayaa gaaray magaalada Beydhabo gaar ahaan xarrunta Madaxtooyada: iyagoo la kulmay Wasaaradaha Dowlad-goboleedka KGS

Guddiga Hagaya qorista Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Bulshada oo isugu jiray mas’uuliyiin ka socotay Wasaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada & Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka uu hoggaaminayay Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada mudane Cabdullaahi Aadan Cabdi ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Beydhabo gaar ahaan xarrunta Madaxtooyada.

Ujeedada socdaalka ayaa ahaa iney 13 Wasaaradood ee ka tirsan Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed kala hadlaan qorista Siyaasadda Ilaalinta Bulshada taasoo si wadajir ah lala yeelan doono dhammaan Dowlad-goboleedyada dalka.

Madasha Kulanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay qaar kamid ah golaha Wasirrada ee uu hoggaaminayay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Mr Rooble Sheekh Xasan , Agaasimayaasha guud ee 13ka Wasaaradood oo ay quseysay Siyaasadda Ilaalinta Bulshada, Waaxyaha Arrimaha Bulshada ee KGS, iyo masuuliyiin ka tirsan Waaxda Xiriirka Guud iyo Isgaarsiinta ee Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada, Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee DFS iyo Hey’adda (Samuel Hall) ee dhanka farsamada ka caawineysa DFS.
Siyaasadda Ilaalinta bulshada ayaa markeedi ugu horreysay lagu soo qeexay PSG5 iyadoo hoggaan looga dhigay Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka. Wada hadal muddo dheer qaatay kaddib ayaa waxaa leysla gartay in Siyaasadda Ilaalina Bulshada ay hoggaan u noqoto Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, waxaana kala shaqeynaaya Wasaaradaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka iyo Wasaaradda Qorsheynta ee Dawladda Federaalka .

Sidaas awgeed, ayuu Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada Cabdullaahi Aadan Cabdi waxuu ka warbixiyay isla markaana sharraxay Siyaasadda Ilaalinta Bulshada asagoo ka jawaabaaya dowrka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee ah Hoggaanka howshan, waxuuna ku qeexay Ilaalinta Bulshada iyo ujeedkeedaba sida soo socota:

“Waa maxay Ilaalinta Bulshada?
• Waa Siyaasado iyo Mashaariic oo ay hoggaamineyso Xukuumadda kuwaasoo wax ka qaban doono baahiyada la saadaalin karo ee bani’aadamka, si loo ilaaliyo dhammaan bulshada, gaar ahaan kuwa aadka u nugul, loogana soo kabto xaaladaha deg dega ah”.

Intaasi kaddib waxaa leysla qaadaan dhigay afkaar iyo aaraah leysugu biirsaday sida ugu macquulsan ee loo dejin karo Siyaasadda Ilaalinta Bulshada ee DFS ee ku aaddan Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxaa ugu dambeyn kulanka soo xiray Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha ee Dowlad-goboleedka KG Mr Rooble Sheekh Xasan, asagoo xusay in howshan ay kusoo aaday xilligii loo baahnaa daruurina ay u tahay dhammaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed, guul ayuuna u rajeeyay Siyaasadda Ilaalinta Bulshada.

 

 

 

WD. Mustaf Xaaji Ismaaciil

Madaxa  Waaxda Xiriirka Guud  MOLSA

Magaaladda  Baydhaba