Agaasimaha Guud ee Wasaaradda shaqada oo shir gudoomiyay  kulanka  wada tashiga Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Bulshada

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Maxamed Cadde Mukhtaar ayaa  Shir Gudoomiyay kulankii Labaad ee wada tashiga Guddiga Hagaya  qorista Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Bulshada kaas oo lagu qabtay gudaha HOTEL JAZEERA ee Magaaladda Mugdisho.

kulankan ayaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, iyo Wasaarada Qorsheynta Dowladda Federaalka. waxaana kasoo qeyb galay musuuliyiinta Wasaaradaha  ku howlan  adeegga  Arrimaha Bulshada sida: Wasaaradda Caafimaadka , Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Cadaalada, Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta Xuquuqda Aadanaha , Wasaaradda Qorshaynta, Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Qeyraadka Badda, Xafiiska  Madaxweynaha Waaxda Arr. Bulshada, Maamul Gobolka Banaadir, Dawlad Goboleedyada Dalka, Lataliyeyaal Hey’addaha Dawladda  iyo masuuliyiin heer sare ah oo ka socday  hay’adaha WFP, Unicef iyo Samuelhall.org  

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Cadde Mukhtaar oo furay kulanka   wuxuu ka yiri : “ inteenaan waxaan  iskugu nimid in aan ka wada tashano Qorshaha dawlada u dajisay horaan ee lagu  go’aamiyay in la sameeyo Siyaasadda Qaran  ee Ilaalinta Bulshada  Soomaaliyeed.  waxaa la guda galayaa talo wadaag loo aadi doono dhammaan Magaalooyinka  Dawlad Goboleedayada dalka  si looga soo dhaadhiciyo qaabka loo qorayo Siyaasaddda Ilaalinta Bulshada.

Agaasimaha  guud  ayaa sharraxaad dheer ka bixiyay ujeedka kulanka qorista Siyaasadda qaran  ee ilaalinta Bulshada,   asagoona xusay in Wada tashigan  uu yahay mid horumar gaarsiin kara  Bulshada tabaaleysa”.

 

Waxaa sidoo kale ka hadashay oo cashar ka soo jeedisay Marwo  (Kourtnie schaefer) oo madax ka ah hay’adda samuelhall.org oo tiri “Qorshahani wuxuu muhim u yahay in ay ka faa’idaystaan dadka Nugul qeybahooda kala duwan oo baahida u qabo in ay helaan  Sharci ama siyaasad lagu ilaalinayo Bulshada”

 

Mrs. Kourtnie ayaa ku dheeraatay  waa maxay faa’iidada laga helayo siyaasadda ilaalinta Bulshada oo ka mid ahaa cutubyada soo jeedinteeda, waxeyna balan qaaday in hey’adda Samuelhall.org   diyaar u tahay ka shaqeynta Siyaasadda qaran  ee ilaalinta Bulshada

 

Ugu dambeentii waxaa si talan taali ah uga wada  hadlay dhammaan ka soo qeyb galayaasha Madasha kulanka oo ku darayay talooyin wax ku owl ah iyo weydiimo ku haboon qaabka loo wajahayo qoraalka Siyaasadda qaran  ee ilaalinta Bulshada Soomaaliyeed.