Jaamacadda (Somaville University) oo Shahaado sharaf gudoonsiisay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada  

Agaasiamha guud  ee Wasaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshda   mudane Maxamed Cadde Mukhtar ayaa maanta   u  furay  aqoon isweydaarsi looga hadlayay  dhanka shaqada ardayda  wax ka barata jaamacadda (Somaville University) oo ku taal magaaladda Muqdisho.

 

Aqoon isweydaarsigaas ( work shop) oo ay ka soo qeyb galeedn mas’uuliyiin  ka socotay Wasaaradda shaqada , Akadeemiyada fanka iyo cilmiga  iyo arday tiradooda gaareysay 150 ayaa aad  ugu faraxsanaa kasoo qeyb galka  aqoon isweydaarsiga loogu magac daray   ogaanshaha   arrimaha  shaqada ee ( Somali studies), waxaana  fududeynayay   prof   Tooxow  iyo ma’suuliyiin kale oo ka tirsan  aqoonyahanada Soomaaliyeed.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada oo ugu dambeyntii ka hadlay Xaflada furitaan ka aqoon isweydaarsiga Waxuu  ku guubaabiyay dhammaan  ardayda jaamacadaha in ay noqdaan kuwa leh aqaan  iyo xirfado gaar ahaan  farsamada gacanta,  waxuuna  tusaalle u soo qaatay  Caalamka waxuu sheegay  “in  la jacel yahay qofka aqoonta iyo xirfadaha isku darsaday uu yahay qof aan marnaba weyneynin shaqo” .

Ugudambeyntii   Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayey  maamulka Jaamacadda (Somaville University) Shahaado sharaf gudoonsiiyeen taas oo ka turjumeysay sida  uu u garab taagan yahay ardayda Soomaaliyeed.