Wasiir Saalax oo sharaxaad ka bixiyay hanaanka shaqada iyo nidaamka badbaadinta bulshada Soomaaliyeed

 Wasiirka wasaaradda shaqada arrimaha bulshada Xildhibaan Saalax Axmed Jamac oo shir gudoominayey shirka ay isku yimaadaan agaasimaha guud , xoghayaha joogtada iyo agaasime waaxeedyada wasaaradda shaqada arimaha bulshada todobaadkiiba mar ayaa  looga hadlay qodobo dhoor ah sida:-

  • Shaqada iyo nidaamka badbaadinta bulshada ( labor and social protection system in Somalia )
  • Shaqo abuurka iyo suuqa shaqada
  • Sharuucda wasaaradda ee horyaala golaha shacabka

Mas’uuliyiinta ayaa soo bandhigeen doodo cilmiyeesan oo lagu wajihi karo taaba gilinta howlaha loo ikmaday wasaaradda gaar ahaan soo gudbinta xogta qorshe howleedka wasaaradda iyo hindisaha daahfurnaanta Dowlada ee loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Wasiirka wasaaradda shaqada arrimaha bulshada ayaa sharaxaad dheer ka bixiyay hanaanka shaqada iyo nidaamka badbaadinta bulshada Soomaaliyeed wuxuuna yiri “ shaqa abuurka waa u muhiim ummadda somaliyeed waxayn xaq u leeyihiiin inee helaan shaqo halka ee hada ku tiirsan yihiin in wax la siiyo, suuqa shaqada haatan kuma mideysna helitaanka shaqo”

Mar uu wasiirka sharaxaadiisa ku soo daray hanaanka ay u hormariyeen wadamada qaar asagoo tusaale u soo qaatay wadanka Malaysia hormarka bulshadooda ay gaareen. Wuxuuna sheegay “in qof waliba waa in uu damiirka ka noolyahay, shacabkana looga baahanyahay damiir wadaniyad ku dheehantahay oo loogu gudbi karo qaabka wax siinta ee Xawaaladaha ku salaysan  ( Remittance ) ”. “ barakacayaasha waa xaalad la abuuray oo qaab ganacsi u ek marka bulshada loo adeegayo waxayna u baahantahay waci gilin joogta ah”

Wasiir Saalax ayaa ku booriyay mas’uuliyiinta shirka loo qabtay ayaa ku yiri “waa in la helaa nidaam Dowladnimo oo lagu gaari karo Shaqo hufan iyo badbaadinta bulshada Soomaaliyeed”.