Agaasimaha guud oo shir u qabtay shaqalaha wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada .

Shir ay isugu yimaadeen dhamaan shaqalaha wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa waxaa looga hadlay wacyi galinta shaqaalaha iyo soo  xaadirida si ay u gutaan shaqadooda ,agaasime waaxeedyada wasaaradda ayaa shaqaalaha ku booriyey in ay la yimaadan hufnaan iyo Howl karnimo

Agaasimaha waxda shaqada Saciid Adan Mire ayaa shaqaalaha ku wacyi galiyey in ay u gutaan shaqadooda si hab samileh ayna soo xaadiraan ,

Agaasimaha guud ee wasaaradda Shaqada Maxamed Cade Mukhtar  oo soo xiray shirkaan ayaa yiri “shaqaalaha waa in ay gutaan shaqadooda ,ayna ilaaliyaan soo xaadirida waqtiga shaqada waxaan abaal marin doonaa shaqaale kaste oo la yimaada hufnaan iyo hawl karnimo aan u sameyn doono abaal marino iyo dalacsiin ,waxaa la idinka doonaya in aad gudataan shaqadiina”

Shirkan ayaa todobaaad kasta lagu wacyi galin doona  shaqaalaha si ay ula yimaadan dadaal dheeri ah, madaxda wasaaradda shaqada waxay dadaal ugu jiraan sidii loo heli laha shaqaale firfircoon oo howl kar ah.