Tirakoobkii Shaqaalaha Rayidka ee DFS ayaa soo gaaray Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada

 Guddiga Tirokoobka Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay maanta soo gaareen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada si ay u gutaan waajibkoodi ahaa tirokoobka Shaqaalaha Rayidka kaasoo in muddo ah ay ka soo wadeen Hey’adaha Dowladda.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo ah hoggaamiyaha Tirakoobkan ayaa la soo gaaray xiligii loo qorsheeyay in la tira koobo shaqaalahooda, waxaana Xarrunta wasaaradda shaqada ka qabsoomay tirakoob hufnaan iyo kala-dambeyn ku saleysan, taasoo sababtay in ay kusoo gabagabowdo si qurux badan.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ayaa shaqada tira koobka  inta ay socotay kormeer ku hayay, waxuuna shaqaalihiisa ku boorriyay in ay horsed u noqdaan in tirakoobka maanta uu noqdo mid ka ugu anshax iyo maamuus wanaagsan kuwii hore, shaqaaluhuna waa ay dabaqeen talada Wasiirka.

Molsa HR 0  Molsa HR 2 Molsa HR 3 Molsa HR 4 Molsa HR 5 Molsa HR 6 Molsa HR 12Molsa HR 1Molsa HR 7jpg Molsa HR 8 Molsa HR 9 Molsa HR 10 Molsa HR 11