Agaasimaha Guud Maxamed Cadde “Waxaan dhiiri gelinayaa in howlwadeenada Wasaaraddu xoojiyaan wacyigelinta shaqaalaha” SAWIRRO

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada mudane Maxamed Cadde Mukhtaar ayaa maanta hoolka Wasaaradda kula shiray shaqaalaha Wasaaradda, kaasi oo ku saabsanaa kala warqaadasho iyo dar dargelinta Xilka iyo waajibaadka Wasaaradda.

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda, waxaana ugu horeyn goobta hadal kooban ka jeediyay Agaasimaha waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha mudane Saciid Aadan Mire oo sheegay in shirkan uu ka duwanyahay shirarka shaqaalaha ay yeeshaan.

La taliyaha Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada Prof. Yuusuf Salaad warsame oo isna hadal ka jeediyay shirka ayaa tilmaamay in shirkan uu yahay mid diiradda lagu saarayo wax ka qabashada waajibaadka Wasaaradda iyo in la dar dargeliyo howsha wasaaradda, waxuuna sharaxaad kabixiyay 42 qodob ee waajibaadka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada .

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada mudane Maxamed Cadde Mukhtaar ayaa sheegay in Wasaaradda ay xoogga saari doonto kor u qaadidda xirfadda shaqaalaha, isla markaana la balaarin doono barnaamijyada wacyigelinta ah ee lagu horumarinayo shaqaalaha dalka.

Agaasimaha Guud waxa uu xusay in howlwadeenada Wasaaradda ay yihiin kuwa ugu shaqada badan shaqaalaha rayidka ee dowladda hadii la fuliyo waajibaadka   isla markaana uu Madaxda sare ee wasaaradda kala hadli doono sidii loo heli lahaa dhameys tirka sharuucyada ku xiran waajibaadka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada.

“Wasaaraddu waxa ay joogteyn doontaa dhiirigelinta shaqaalaha Wasaaradda, gaar ahaan kuwooda muujiya howlkarnimo iyo shaqo hufnaan, tankale waxaan rabnaa in howlwadeenada Wasaaraddu ay u istaagaan sidii loo dar dargelin lahaa adeegyada ay bulshada u hayaan, annaguna waxaan xoogga saareynaa inay helaan tababarro lagu kobcinayo xirfaddooda shaqo” ayuu yiri Agaasimaha Guud.

Ugu dambeyn Agaasimaha Guud Maxamed Cadde ayaa ku soo celceliyay oraahdan “Waxaan dhiiri gelinayaa in howlwadeenada Wasaaraddu xoojiyaan wacyigelinta shaqaalaha”

DG MOLSA meeting 1 DG MOLSA meeting 2 DG MOLSA meeting 3 DG MOLSA meeting 4 DG MOLSA meeting 5 DG MOLSA meeting 6

http://molgov.so/xilka-iyo-waajibaadka-wasaaradda-shaqada-iyo-arrimaha-bulshada/

Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada

Xilka iyo waajibaadka Wasaaradda

  1. Dejinta, horumarinta iyo dhaqangelinta siyaasadda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
  2. Dib-u-habeynta, casriyeeynta iyo tayeynta xaafiisyada, maamulka iyo shaqaalaha Wasaaradda.
  3. Ilaalinta hantida Wasaaradda iyo soo-celinta midda ka maqan.
  4. Dabagalka heshiisyadii horey loo galay ee Wasaaradda khuseya.
  5. Soo-jeedinta Shuruucda khuseysa hawlaha Wasaaradda.
  6. Diyaarinta iyo soo bandhigidda warbixin-xilliyeed joogta ah oo ku aaddan hawlaha Wasaaradda.
  7. Xaqiijinta kormeerka shaqada (Labor Inspection), caafimaadka shaqaalaha iyo nabadgelyada goobaha shaqada, iyo sare-u-qaadidda xiriirka shaqada iyo shaqaalaha dalka (Labor Relations).
  8. Dersidda iyo diyaarinta xogaha macluumaadka suuqa shaqada.
  9. Xaqiijinta iyo dhaqan-gelinta xeerarka iyo shuruucda dalka ayadoo la waafajinaayo xeerka caalamiga ah.
  10. Kormeerka arrimaha shaqada iyo shaqaalaha hay’adaha gaarka ah.
  11. Samaynta cilmi baarisyo iyo daraasado la xiriira mashaakisha suuqa shaqada (Labour Market) sida shaqa-siinta (Employment) shaqa-la’an (Unemployment), shaqa-liidashada (Underemploment), yaraanta shaqaale xilliyeedka (Seasonal Labour Shortage), shilalka iyo dhaawacyada shaqada(Labour Accidents and Injuries), iwm.
  12. Gacan-siinta ururrada shaqaalaha Soomaaliyeed.
  13. Dersidda, hindisidda iyo soo jeedinta heerka ugu hooseeya maalin-gooska(Minimum Wage) ee shaqaalaha iyo xoogsatada dalka ayadoo la tixgelinaayo duruufaha dhaqaalaha dalka.
  14. Dhex-dhexaadinta iyo xallinta khilaafaadka ka dhasha shaqada(Labour Disputies) oo ka dhexeeya shaqaalaha (Employees) iyo loo shaqeeyayaasha (Employers) si waafaqsan sharciga shaqada dalka (National Labour Code).
  15. Tixgelinta iyo taakulaynta dadka naafada ah ee suuqa shaqada.
  16. Dersidda iyo ogaanshaha xirfadaha macduunka ku ah (Skill Shortage) suuqa shaqada.
  17. Qiimaynta shahaadooyinka xirfadda (Trade Testing and Certification).
  18. Dersidda iyo la socodka xaaladaha iyo duruufaha shaqada ee xoogsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalalka dibedda.
  19. Diyaarinta buugga kala-qeexidda xirfadaha dalka(National Standard Classification of Occupations) iyadoo lala kaashanayo hay’adaha ILO,ALO iwm.
  20. Dejinta siyaasadaha doolka (Migration ) iyo muruqmaalka dalka(National Manpower Policy).
  21. Soo jeedinta abuurista guddiyada soo socdo ahmiyadda ay leeyihiin awgeed.
  22. Guddiga qaranka ee rukhsa-siinta shaqaalaha shisheeyaha
  23. Guddiga qaranka ee siyaasadda shaqo-siinta
  24. Guddiga qaranka ee siyaasadda horumarinta muruqmaalka dalka
  25. Kormeerka hay’adaha ka shaqeeya Arrimaha Bulshada
  26. Soo celinta xaruumaha hore ee Naafada
  27. U tababarid xirfado iyo u abuuris fursado shaqo dadka naafada ah
  28. Uruurinta iyo daryeelidda agoonta darbi jiifta iyo waayeelka aan ehelka lahayn
  29. Soo celinta xaruumahii hore ee daryeelka agoonta
  30.  Sameynta shahaadooyinka xirfada lagu baro laguna dhaqan celiyo darbi jiifta
  31. Rukhsa siinta shaqaalaha shisheeye
  32.  Dejinta siyaasada shaqo siinta
  33.  Sameynta siyaasadda hurumarinta muruq maalka dalka
  34. Bixinta fasaxa  Dhoofka  Shaqaalaha (Nula Osta)
  35. Diyaarinta siyaasadda howl gabka ee shaqaalaha dowladda
  36. Bixinta warqadda dalabka baasaboorka ee shaqaalaha dowladda
  37. Dejinta siyaasadda shaqo qorista shaqaalaha dowladda
  38. Dib u habeynta  sharciga shaqaalaha dowladda iyo kuwa gaarka ah
  39. U abuuris fursado shaqo waxtar leh si simman dhammaan dadweynaha soomaaliyeed ( gaar ahaan dhallinyarada soomaalyeed )
  40. Sameynta warqadda aqoonsiga shaqaalaha dowladdaa (ID CARD)
  41. Abuurista data base oo lagu ogaanayo maqnaashaha shaqaalaha dowladda
  42. U doodida xuquuqda shaqaalaha dowladda iyo kuwa gaarka ah