Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada oo shir muhiim la qaatay Saraakiil sare oo ka socotay Hay’adda Save Children

 Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada Xildhibaan Cabdicaziiz Saalax Carmaan oo shir guddominayay kulanka manta ay isugu yimaadeen masuuliyiinta Wasaaradda & Hay’adda Save Children ayaa looga hadlay Horumarinta arrimaha bulshada Soomaliyeed.

Shirka ayaa ka dhacay Xarrunta dhexe ee Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada ayaa waxaa ka soo qeybgalay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda, Agaasimaha Waaxda Xiriirka Guud iyo Isgaarsiinta Cabdirashiid Cabdullaahi Xeydar iyadoo dhanka Hay’adda Save Children ay ka socdeen Ku xigeenka Agaasimaha Hay’adda ee u qaabilsan Soomaaliya Mudane Maxamuud Maxmed Xasan iyo Masuuliyiin kale.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Shaqada oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in Wasaaradda iyo Hay’adda uu ka dhaxeeyo Wadashaqeyn dhanka Arrimaha Bulshada ah.

Agaasimaha Hay’adda Save Children Maxamuud Maxamed Xasan ayaa sidoo kale ka hadlay kulanka asagoo yiri: “Waxan aad iyo aad ugu faraxsanahay mudane Wasiir inaan kusoo booqdo xafiiskaaga aadna igu qaabisho iyadoo ay tahay markii igu horreeysay oo aan imid halkaan, waxeyna ii tahay booqasho iyo isbarasho farxad leh, Hay’adda waxey ka howlgashaa Somaaliya oo dhan oo ay ku leedahay ku dhawaad 50 xafiis lagu daryeelo Caruurta iyo Haweenka Soomaaliyeed, waxaana Wasaaradda u nimid in aan wadashaqeyn buuxda ka yeelanno Arrimaha Bulshada, maadaama ay Wasaaraddu u igman tahay howlaha Arrimaha Bulshada”.

Ugu dambeyn Wasiirka oo ka hadlay madasha ayaa waxuu xusay in Wasaaradda iyo Hay’addaba uu xil ka saaran yahay ka shaqeynta Arrimaha Bulshada waxuuna u sheegay in Golaha Wasiirrada mar waliba ay ka hadlaan horumarka Arrimaha Bulshada sida Caafimaadka, Waxbarashada, Daryeelka Barakacayaasha iyo Abaaraha Dalka ka jira, waxuuna soo dhaweyn u fidiyay Hay’adda Save Children kuna bogaadiyay wadashaqeynta ka dhaxeysa.

Save Children and MOLSA meeting 1 Save Children and MOLSA meeting 2 Save Children and MOLSA meeting 3 Save Children and MOLSA meeting 4YES Pro for MOLSA 6YES Pro for MOLSA 7