Xoghayaha joogtada Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada oo shir xog is waydaarsi ah la qaatay madax qebeybeedyada Wasaaradda shaqada.

Kulanka ayaa ahaa xog is wareysi dhexmaray shaqaalaha wasaaarada iyo xoghayaha joogtada Mudane Xasan Shariif Cusman, waxaana lagu lafo guray in shaqaalaha ay dardar galiyaan hawlaha ay u hayaan wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, shaqaalle kastane uu la yimaado hawl karnimo iyo hufnaan.

Agaasimaha waaxda tababarada Ismaaciil Macalin Cabdullahi oo ka mid ahaa masuuliyiinta ka hadashay goobta shirka aya sheegay in loo sameeyo shaqaalaha dhiiragelin si ay ugutaan waajibaadkooda shaqo.

Gabagabdii shirka ayaa waxaa soo xiray xoghayha joogtada ah Mudane Xasan Shariif Cusman ee Wasaradda shaqada waxuuna yiri ” Shaqaalaha wasaaradda waxaa saaran waajib in uu guto shaqadiisa in ay is abaabulaan si ay u hormariyaan hawlaha na hor yaalo, shirarka noocan waa in la joogteeyaa oo todobaadkiiba mar ay qabtaan shaqaalaha, Waxaan sameyn doona guddi la socda shirarka iyo shaqooyinka ka socda wasaaradda si shaqaalaheena dowrkooda uga qataan horumarka iyo tayenta shaqaalaha soomaaliyeed”.

Shaqaalaha wasaaradda shaqada iyo arrimha bulshada wexay dadaal ugu jiraan sidii ay u dardargalin lahaayeen shaqada ay u hayaan shaqaalaha rayidka dawladda Soomaaliyeed.

 

Xoghaya Joogtada MOLSA 7Xoghaya Joogtada MOLSA 6Xoghaya Joogtada MOLSA 1 Xoghaya Joogtada MOLSA 2 Xoghaya Joogtada MOLSA 3 Xoghaya Joogtada MOLSA 4 Xoghaya Joogtada MOLSA 5