Guddiga qorista siyaasadda Ilaalinta Bulshada oo tagay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug

Guddiga qorista siyaasadda Ilaalinta Bulshada oo tagay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug

Shir looga arinsanaayey dajinta siyaasada ilaalinta bulshada (Social Protection) ayaa wuxuu ka dhacay xarunta dawlad goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb waxaana kasoo qeyb galay wasaaradaha dawlad goboleedka Galmudug ,xildhibaanada ,ururrada Dhalinyarada ,iyo Haweynka ayadoo ujeedka shirkan ahaa u gogol xaarida qorista siyaasada ilaalinta bulshada Soomaaliyeed.

 

Agaasimaha  waaxda Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda Shaqada Mudane Cabdulaahi Adan Cabdi oo shirka furay ayaa ka warbixiyey siyaasada ilaalinta bulshada “Wasaarada shaqaada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaliya oo taageero ka heleysa WFP,UNICEF ayaa waxay dajinaysa Siyaasadda  Ilaalinta  Bulshada ujeedada wadatashigaan ayaa ah in ay kawada shaqeeyaan dawalad goboleedyada iyo federalka sidii loo heli lahaa  nidaam siyaasdeed oo dhameestiran ,waxaan shirarkan oo kale u qabanay dhammaan dawlad goboleedyada”.

 

Wasiirka wasaaradda Shaqada ee Galmudug mudane Axmed Mire ayaa  bogaadiyey gudigaan ku  hawlan qorista siyaasada qaran ee Ilaalinta  Bulshada  wuxuu sidoo kale sheegay in Galmudug ay aad ugu baahantahay badbaada bulshada. sidoo kale waxaa shirkaan ka hadlay Wasiirka Korontada iyo Biyaha,Wasiirka haweenka ee Galmudug waxana  soo dhaweyeen qorista siyaasadda Ilaalinta Bulshada .

Dhanka kale waxaa shirkan oo kale lala yeeshay Hay’adaha iyo NGO waxaa aad loo gorfeeyey waa maxay ilaalinta bulshada, sababta ilaalinta bulshada muhiim u tahay, waxaa la isku Af gartay in ay jiraan caqabado badan oo soo wajaha bulshada sida: Abaaraha oo xal loo heli karo dhanka Ilaalinta  Bulshada hadii la heelo maamul  ama nidaam dagsan.

Dawlada federalka Soomaaliya ayaa waxay dadaal ugu jirtaa sidii ay u dardar galin leheed qorista sharuucda iyo siyaasdda Qaran ee ilaalinta bulshada Soomaaliyeed.

 

   

DW. Madaxa Qeybta Xiriirka MOLSA

Caasha Cabdiwali

Dhuusamareeb caasimada Galmudug