Muqdisho, December 25, 2022- Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka soomaaliya mudane Cusman Libaax Ibraahim, ayaa maanta soo xiray tababar ku saabsanaa maareynta waqtiga iyo u hoggaansanaanta sharciga iyo anshaxa shaqada.

Munaasabadda xiritaanka, ayaa waxa goob joog ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Abdullahi Maxamed Cali, iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Cilmi baarista Mudane Salaad xuseen cabdullahi.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshadda xukuumada federaalka soomaaliya aya xiritaanka tababarka ka sheegay muhiimadda ay leedahay sare u qaadida aqoonta iyo xirfadaha shaqo ee shaqaalaha dowladda.

‘‘Sare u qaadida aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha dowladda waxay muhiim u tahay howlaha shaqo ee hor yaala xukuumadda federaalka soomaaliya si muwaadiniinta soomaaliyeed u helaan adeeg ku dhisan tayo iyo xirfad sare’’ayuu ku daray Wasiir ku xigeenka.

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshadda xukuumada federaalka soomaaliya Mudane Cusmaan Libaax ibraahim ayaa goobta ka sheegay

‘‘joogteynta tababaradda waxay dowr wayn ka qaadan kartaa tayadda adeega shaqo ee Wasaaradda bixiso’’

Tababarka maanta la soo xiray oo uu bixinaaye khabiir ka tirsan Wasaaradda, Mudane Salaad Xuseen Cabdulle ayuu diiradda ku saaray Maareynta Waqtiga iyo u Hoggaansanaanta Sharciga.

Gabagabadda, munaasabadda Wasiir ku xigeenka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshadda xukuumada federaalka soomaaliya Mudane Cusmaan Libaax Ibraahim, ayaa ku booriyey shaqaalaha in ay joogteeyaan ka qaybgalka tababaradda wasaaradu bixiso, Wasaaradda waxa ay mas’uul ka tahay tababaradda shaqaalaha dowaladda, iyadoo qorshaha sanadka soo socda u noqon doono sidii tababaradda wasaaraddu bixiso loo sii kordhin lahaa.

 

Sidoo kale waxa uu kula dardaarmay dhamaan ‘‘shaqaalaha dowladda in ay soo xaadiraan shaqadda wasaaradaha, lana sameeyo suul saarka  so galidda iyo ka bixista shaqadda’’.

-Dhammaad