Wasiirka Shaqadda XFS oo Booqday Xarunta Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Soomaaliya

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim, ayaa maanta hawlo shaqo ku tagey xafiiska Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaana Wasiirka Xafiiska Guddiga shaqaalaha rayidka kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha guddiga shaqaalaha rayidka, Mudane Xasan Abshirow.

Wasiirka ayaa warbixin guud ka dhageystey Gudoomiyaha Guddiga shaqaalaha Rayidka Sida Arrimaha horutabinta u leh horumarinta maamulka shaqaalaha rayidka dowladda, iyo hawlihii u qabsoomay sanadkii tegay ee 2023 iyo qorshaha Guddiga ee sanadkan cusub ee 2024.

Kulanka ayaa sido kale diiradda lagu saarey sidii loo dardargelin lahaa horumarinta cududa Shaqaalaha dowlada, haddii ay tahay in sare loogu qaado aqoonta iyo xirfada Shaqaalaha dowladda sido kale Maareynta waqtiga shaqada iyo soo xaadirista.

Ugu dambayn, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Soomalaliya, Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa Guddiga Shaqaalaha Rayidka uga mahadceliyey shaqooyinka muhiimka ah ee ay u hayaan Qaranka Soomaaliya