Wasiir Dowlaha Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada oo ka qeybgalay Kulan looga hadlayey Horumarinta karaanka bulshada.

Wasiir-Dowlaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan ayaa ka qeybgaley kulan uu shir-guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac oo looga hadlayey Horumarinta karaanka bulshada kaas oo ay ka soo qeybgaleen wafdi ka socday Bangiga Adduunka oo ay hogaaminaysay Ku-xigeenka Madaxweynaha Bangiga ee dhinaca Horumarinta Karaanka Aadanaha, Marwo Mamta Murithi oo maanta soo gaartay Soomaaliya.

 

Kulankan waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa qaar ka mid ah Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Waaaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada, Mudane Yuusuf Xasan isaak iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha Wasaaraddaha JFS.

 

Kulanka oo ahaa mid muhiim ah ayaa diiradda lagu saaray qorsheyaasha Istaraatiijiyadeed iyo kuwa hortabinta u leh Soomaaliya ee horumarinta karaanka bulshada iyo sidii Bangiga Adduunku u sii wadi lahaa, loona ballaarin lahaa taageerada uu Soomaaliya ka siiyo xagga horumarinta awoodda waxqabad ee bulshada.