MoLSA

Waaxda Tababarada iyo xirfadaha shaqada (TVET) ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada JFS oo howlo kormeer ah ku tagtay Xarunta Hano Academy ee magaalada Muqdisho.

MoLSA, 18, Maarso 2024.  Waaxda Tababarada iyo xirfadaha shaqada (TVET) ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Agaasimaha Waaxdaas, Mudane Salaaxudiin Daahir Xasan ayaa maanta kormeeray Xarunta Hano Academy ee magaalada Muqdisho.

Ujeeddada kormeerka ayaa ahaa in la ogaado sida ay u shaqeyso xarunta, xirfadaha lagu barto, manhajka wax lagu barto, qalabka ay u adeegsadaan baraatikada, tirada ardayda dhigato iyo macallimiinta ka hawlgala xarunta, si loo dar dargeliyo soo saarida dhalinyaro xirfadlayaal ah oo dabooli kara baahiyaha ka jira suuqa shaqada.

Hano Academy waa xarun ka shaqaysa barashada xirfadaha suuqa shaqada iyadoo sanad walba soo saarta dhalinyaro Soomaaliyeed oo xirfadleyaal ah, oo ay shaqo abuur u samayso.
Agaasimaha Waaxda TVET ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee xarunta Hano Academy shacabka Soomaaliyeed u hayso.

MoLSA