Ra’iisul wasaaraha oo tababar u furay 80 Agaasimayaal Wasaaradeed (SAWIRRO)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta Siminaar ugu furay Kuliyada Booliiska Jeneraal Kaahiye 80 kamid Agaasimayaasha Wasaaradaha.

Siminaarkaan bixintiisa waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, AMISOM iyo Machadka Tababarada ee Uganda, (Uganda Management institute) waxaana u jeedkiisu yahay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradaha Dowladda .

Sarkaal sare oo ku hadlayey magaca AMISOM Mudane Ssebirumbi Kisinziggo, ayaa sheegay ujeedka Siminaarkaan yahay sidii aqoonta Agaasimayaasha Wasaaradaha Dowladda kor loogu qaadi lahaa, “Maahan markii ugu horreysay ee AMISOM tababar siiso shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradaha iyo laamaha kale ee dawladda, kani ma noqon doono midkii ugu danbeeyay ee wuxuu sii xoojin doonaa naguna dhiirigelin doonaa inaan gacan siino walaalaheena Soomaaliyeed, ujeedka aan siminaarkaan maanta u qabanay waa in kor loogu qaado aqoonta Agaasimayaasha Wasaaradaha si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo” ayuu yiri Sarkaalku.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  Eng Luqmaan Ismancil Maxamed oo furitaanka Siminaarka ka hadlay ayaa ugu mahadceliyey AMISOM iyo guud ahaan cid walba oo gacan ka geysatay, kor u qaadida xirfadaha shaqaalaha, wuxuuna geesta kale sheegay in Siminaarkan wax badan uu kusoo kordhin doono aqoonta iyo kartida Shaqaalaha ka faa’iideysanaya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed oo gabagebedii Munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa ku dheeraaday baahida loo qabo aqoonta shaqaalaha kala duwan ee dawladda in kor loo qaado, wuxuuna uga mahadceliyay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha iyo AMISOM sida ay xilka iskaga saarayaan aqoonta shaqaalaha Dawladda .

“Tababarkaan maanta loo furayo hawl-wadeenada sare ee maamulka dawladda, wuxuu ku fadhiyaa qiimo aad u weyn waxaana kasoo kabanaynaa labaatan iyo dhawr sano oo bur-bur ah, tababarkaan wuxuu muhiim u yahay bilowga Soomaaliya Cusub oo ku dhisan shaqo iyo fekrad lagu horumaro, adduunka maanta waa shaqo iyo shaqaale” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Cabdiwali

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya kordhin doonto fursadaha shaqo ee bixiso dawladda isla markaana la gaarsiin doono guud ahaan dalka si ay uga faa’iideystaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee waxbaratay.

DAAWO SAWIRADA

trianing-1 trianing-2 trianing-3 trianing-4