Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa maanta daahfuray Kulanka Aqoon-isweydaarsiga

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa maanta daahfuray Kulanka Aqoon-isweydaarsiga iyo Wadatashiga ee Horumarinta Siyaasadda Shaqaalaha Doolka iyo Qorshe hawleedkeeda.

Kulankani oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kaashaneysa Hey’adda ILO, ayaa waxaa kasoo qeybgalay qaar kamida Wasaaradaha iyo Hey’adaha Dowladdaiyo Xubno ka socday Hey’adda ILO.

Ugu dambeyn barrito ayaa la lasoo gabagabeyn doonaa kulankan iyadoo la rajeynaayo inuu kasoo baxo nuqul bilow fcn u ah Siyaasadda Shaqaalaha Doolka (Labor Migration Policy).