Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Xildhibaan Mohamed Elmi Ibraahim ayaa maanta kaga qeyb galay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimey, oo lagu xusayay Maalinta Xirfadaha Dhalinyaradda Adduunka.

Munaasabadan oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen Wasaaradaha Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Iyo Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliyeed, ayaa lagu soo bandhigay caqabadaha dhanka xirfadaha ee heysta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo sida xal loogu heli karo.

Wasiirka oo ka hadlayay caqabadaha heysta dhalinyarada Soomaaliyeed ee Dhanka xirfadaha ayaa yiri “ Dhalinyaradu waa waxaa ugu muhiimsan ee qarankan leeyahay, waxa ayna wajahayaan caqabado ay ugu weyn tahay shaqo la’aan, taas oo sabab u ah helidda fursadaha tababarrada xirfadaha suuqa shaqada oo aad u yar iyo isaseegga baahida suuqa iyo xirfada Dhalinyarada”.

Munaasabadan oo ay ka soo qeyb galeen ururrada dhallinyarada, xarumaha tababarrada xirfadaha, rugta ganacsiga, ururada shaqaalaha iyo hey’ado caalimi ah ayaa hoosta looga xariiqay sida ay muhiim u tahay sare u qaadista xirfaha dhalinyarada Soomaliyeed.

“Ka wasaarad ahaan waxaa inaga go’an sidii aan dib ugu soo nooleyn lahayn xarumihii lagu baran jiray xirfadaha suuqa shaqada si loo horumiyo fursadaha ay dhalintu u heli karaan barashada farsamada iyo xirfadaha taas oo uu dalka baahi weyn u qabo” ayuu yiri Wasiir Dr. Mohamed Elmi

15 july ayaa ah maalin qaramada midoobay u asteeysay in la xuso xirfadaha dhalinyarada adduunka isla markaana la iska wareeysto caqabadaha iyo furdaha ku gadaaman xirfadaha dhalinyaradda aduunka.