Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo furtay kulan wadatashi looga doodayo Siyaasada Naafada Qaranka Soomaaliyeed.

Kulan Wadatashi ah oo ay ka soo qayb galeen 40 xubnood oo Ka Kala Socotay qeybaha kala gedisan ee Naafada Soomaaliyeed ayey Wasaaradda Shaqada iyo Bulshada uga furtay Hotelka Xayaad ee magaalada Muqdisho.

Kulanka oo socondoona mudo labo maalmood ah ayaa yimid kadib markii Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kaashaneysa hay’addaha caalamiga ee daneeya arrimaha Naafada ayey casuumaad rasmi ah u fidiyeen dadka Naafada ee ku nool magaalada Muqdisho si ay aragtidooda uga dhiibtaan Siyaasadda loo sameynayo Naafada Qaranka Soomaaliyeed.

Siyaasada Naafada  2

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshda ayaa daahfuray Kulankaasi waxuuna ka jeediyay qodbad soo jiidatay kasoo qayb galayasha Kulanka.

 

Kulanka Waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasaaradda Qorshaynta Qaranka,kuwaasoo kasoo qayb galkoodu muhiim wayn u ahaa wadatashiga looga doodayo Siyaasada Naafada Qaranka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshda.

Siyaasada Naafada  4

sidoo kale waxaa xaadir ku ahaa kulanka Madaxda Hay’adda gacanta weyn ka geeysatay ee (AET) oo ujeed keedu ahaa in ay wax ka qabtaan hergalinta iyo qabsoomida kadoodista qabyo qoraalka Siyaasada Naafada Qaranka Soomaaliyeed.

 

Kasoo qeyb galayaasha ka kala socday naafada ayaa si aad ah uga dooday arrimo badan oo quseeya dalka iyo naafada Soomaaliyeed. waxaana halkaas lagu falan qeeyay laguna lafaguray qabyo qoraalkii Siyaasadii Naafada Qaranka Soomaaliyeed ee horay udajisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada kaasoo lagu turxaan bixinaayay siyaasadii lagu hagi lahaa waxna loogu qaban lahaa Naafada Qaranka Soomaaliyeed.

Siyaasada Naafada  1

Kadib dood dheer iyo falan qayn lagu sameeyay  qabyo qoraalka siyaasada Naafada qaranka Soomaaliyeed waxaa la isla gartay in dib loogu qaybiyo qabyo qoraalkii Siyaasada Naafada Qaranka Soomaaliyeed si ay usoo darsaan aragtiya hooda ugana soo dhiibtaan qabyo qoraalkaan si ugu danbayntii u noqdo mid dhamaystiran kuna cad xuquuqda Naafada Qaranka Soomaaliyeed.

Ugu danbaytii wxaa Kulanka soo xiray Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada muddane Aweys Sheekh Xadaad waxuuna kula dardaarmay inay soo dadajiyaan fikradahooda ku aadan qabyo qoraalka Siyaasada Naafada Qaranka Soomaaliyeed

Siyaasada Naafada  6

Siyaasada Naafada  8

Kasoo qayb galayaash Wasaaradda

  1. Aways Sheekh Xadaad__________ Agaasimaha guud
  2. Shariif Aadam Maxamed__Agaasimaha Waaxda Naafada
  3. C/rashiid C/laahi xaydar __Ag.Waaxda Xiriirka guud
  4. Axmed xasan cumaan __Iskuduwe Shabeelada Hoose
  5. Maxamed Ibraahim Duqow__M.Qaybta Arr.Bulshda
  6. Maxamed xuseen Afrax __M.Qaybta tababarada
  7. Maxamed Cabdi Abuukar ___Xog’hayn
  8. Mahad Axmed M. Xuseen ___shaqaale
  9. C/rixmaan Sheekh Abuukar___shaqaale

 

Kasoo qayb galayaasha Hayada (AET )

  1. Deeqo.

Liiska kasoo qayb galayaasha gulaha Naafada

 

  1. Cali c/laahi salad
  2. Yuusuf Sheekh cali
  3. Cumar cabdi cumar
  4. Maxamed salad cali
  5. Axmed Ibraahin isaaq
  6. Caydii xaashi nuur
  7. Xuseen cal i rooble
  8. Cabdi xaamud cabdi
  9. Maxamed guhaad cali
  10. Cusmaan maxamed nuur
  11. Xasan cilmi raage
  12. Saciid faarax xalane
  13. Dibad bare maxamed
  14. Axmed maxamed cali
  15. Cabdikariin c/laahi cali
  16. Abuukar taakaw xasan
  17. Cumar c/salaam Diiriye
  18. Axmed cabdi maxamuud
  19. Cabdi xasan cali
  20. Maxamed cusmaan aamiin
  21. Maxamed khaalid cumar
  22. Maxamed Diini maxamed
  23. Liibaan maxamuud yuusuf
  24. Nuur isaaq cabdi
  25. c/xakiin abuukar xaaji
  26. Cali xirsi cali
  27. Cali aadan cismaan
  28. c/laahi cabdile sh cabi
  29. Ilyaas muxyadii mursal
  30. Maxamed Cali faarax
  31. Cabdulaahi xuseen cusmaan
  32. Deeqa xasan
  33. Caasha cali xasan
  34. Aamina shidane cali
  35. Faadumo yuusuf saciid
  36. Shugri sheekhaal axmed