Shir dhex maray Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo UNDP=da Muqdisho

shir  looga hadlayay sidii ay u wada shaqeyn la haayeyn   hay’adda UNDP iyo  Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayna ka qeyb galeen mas’uuliin ka tirsan Wasaaradda iyo hay’adda UNDP ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, mudane Maxamed Cadde Mukhtaar, waxaana ka qeyb galay Sarkaal sare oo  hay’adda UNDP  u qaabilsan Xoojinta waxqabadka hay’adaha (strenghthening institutional performence (SIP) Mr. Barry Greville-Eyres iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada mudane Maxamed Cadde Mukhtaar, oo ka hadlay kulanka  ayaa sheegay ” intii uu socday kulanka in lagu lafa guray sidii ay UNDP uga gacan siin laheyd Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada hirgelinta qorsheyaal badan si loo horumariyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada”.

Agaasimaha Guud  ayaa intaasi raaciyay, in mas’uuliyiintii ka socotay UNDP ay sheegeen in ay kaalin mug leh ka qaadanayaan qarashka lagu hirgelinayo qorshaha horumarineed ee haatan horyaalla Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Kulanka ayaa kusoo dhamaaday jawi farxadeed, ayadoo ay labada dhinacba ay ku ballameen wada shaqeyn hufan.

undp meeting 0 undp meeting 1 undp meeting 2 undp meeting 3