AGAASIMAHA GUUD OO HAWLO SHAQO U TAGAY  DALKA KOONFUR AFRICA  OO DIB UGU SOO LAABTAY DALKA.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  Maxamed Cadde Mukhtaar  oo maanta dalka  dib ugu soo laabtay, kadib safar qaatay muddo shan cisho ah oo uu uga qeyb galayay siminaar, iyo shir gaar ah uu la yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradda Shaqada ee wadanka Koonfur Afrika.

Agaasimaha Guud ayaa casuumaadda ka helay ILO (International Labor Organization).

Shirka waxaa kasoo qeyb galay 20 waddan oo ah waddamada uu burburka saameeyay, waxaana looga hadlaayay shirkaasi sidii ay uga soo kaban lahaayeen aafooyinka, iyo sidii bulshada loogu abuuri lahaa shaqooyin yaryar. waxaana lagu baranayay kobcinta dhaqaalaha, iyadoo muhiimadda la siiyay bixinta cashuuraadka.

Haddaba muddadii uu halkaasi joogay Agaasimaha Guud waxa uu ka hadlay xaalada Soomaaliya dhinaca dhaqaalaha oo uu shirkaba intiisa badan khuseeyay  Agaasimaha Guud ayaa ku soo badhigay qoraallo muujinayay horumarka ay hiigsanayaan shaqaalaha Soomaaliyeed.

Sidoo kale warbixin dheer oo ku saabsan arrimaha Somalia ayuuna ka jeediyay agaasimaha guud shirkaas.

cadde 1

Agaasimaha ayaa kulamo kala duwan la yeeshay Mas’uuliyiinta dalkaasi Koonfur Afrika, oo isugu jiray, Saraakiil dhanka shaqada iyo Arrimaha Bulshada  iyo hay’ado ka shaqeeya howlaha horumarinta shadada iyo Arrimaha Bulshada madaxdooda.

Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada ayaa muddadii saddexda bilood ee ugu dambeysay guul wax ku ool ah ka gaartay dib u soo nooleynta, iyo hagaajinta xiriirka caalamiga sida  ILO, iyo hay’ado la halmaala, iyadoo taasi ay barbar socotay sare u qaadidda aqoonta iyo tayaynta shaqaalaha Soomaaliyeed, si loo dardar geliyo howlaha iyo waajibaadka Wasaaradda loo ikmaday.

south africa Cade