Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cismaan Libaax Ibraahim oo ka qaatay Xuska Maalinta Ka Hortagga Shaqaaleysiinta Caruurta

Xuska Maalinta Ka Hortagga Shaqaaleysiinta Caruurta oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo maanta ka dhacay Hotel Afrik ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa Munaasabadda daahfuray Ku Simaha Agaasimaha Guud Ahna Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Cabdikariim Cumar Cabdiraxmaan, isagoo soo dhaweeyay Kasoo Qeybgalayaasha oo isugu jiray Hay’adaha Dowladda iyo marti sharaf kale ee bulshada rayidka ah.

Ku Simaha Wasiirka ahna Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cismaan Libaax Ibraahim oo Munaasabadda soo xiray ayaa xusay ka fogaashiyaha ku shaqeysiga Caruurta iney tahay wax waajib ah, Wasaaradduna ay goor dhow kasoo saari doonaan sharciyo ay socdaan shaqadooda.