shir looga hadlayay sidii ay u wada shaqeyn la haayeyn hay’adda UNDP iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayna ka qeyb galeen mas’uuliin ka tirsan Wasaaradda iyo hay’adda UNDP ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, mudane Maxamed Cadde Mukhtaar, waxaana ka qeyb galay Sarkaal sare oo hay’adda UNDP u qaabilsan Xoojinta waxqabadka hay’adaha (strenghthening institutional performence (SIP) Mr. Barry Greville-Eyres iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada mudane Maxamed Cadde Mukhtaar, oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay ” intii uu socday kulanka in lagu lafa guray sidii ay UNDP uga gacan siin laheyd Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada hirgelinta qorsheyaal badan si loo horumariyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada”.
Agaasimaha Guud ayaa intaasi raaciyay, in mas’uuliyiintii ka socotay UNDP ay sheegeen in ay kaalin mug leh ka qaadanayaan qarashka lagu hirgelinayo qorshaha horumarineed ee haatan horyaalla Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Kulanka ayaa kusoo dhamaaday jawi farxadeed, ayadoo ay labada dhinacba ay ku ballameen wada shaqeyn hufan.